Xog: Diyaarad ka duushay Muqdisho oo Hargeysa ka dagtay iyo xayiraadii ay soo rogtay Somaliland oo burtay

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal, ayaa waxa ka soo degtay diyaarad ka soo kacday magaalada Muqdisho, xili ay Xukuumada Somaliland ee Muuse Biixi ay shaacisay inay joojisay duulimaadyadaasi.

Somaliland ayaa dhowaan soo saartay go’aamo ay ku joojineyso duulimaadyada waddamo ay ku jirto Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, maadama ay ku doodo inay tahay dal madax banaan.

Hase yeeshee, sida ay ogaatay Caasimada Online, madaarka Hargeysa ayaa waxa ka soo dagtay maalintii Khamiistii Diyaarad ka timid Muqdisho, iyada oo aan la kulmin wax cadaadis ah oo uga imaanaya maamulka Madaarka Cigaal.

Maamulka Diyaarada African oo la hadlay Caasimada Online ayaa u xaqiijiyey in diyaaradu ay duulimaadkeedi caadiga ahaa ku timid Hargeysa, iyada oo siday Rakaab keliya oo aysan wax xamuul ah kasoo qaadin Muqdisho.

African Express ayaa aheyd diyaarada kaliya ee maalintii Khamiistii ka soo kacday magaalada Muqdisho, isla markaana kasoo degtay Madaarka Hargeysa iyada oo siday Rakaab badan.

Talaabadan ayaa wiiqeysa Go’aamadii ay Somaliland ku sheegtay inay ku joojisay duulimaadyada Muqdisho, maadama dhowaan ay dowladda federaalku shaacisay in Kiis la xiriira Coronaha laga helay gudaha caasimada.

Mana jirto wax war ah oo ay Xukuumada Somaliland kasoo saartay Diyaaradan ka timid Muqdisho ee ka soo degtay Madaarka Hargeysa, isla markaana jabisay amaradeedii xayiraad ee Muqdisho.

Waxaana xusid mudan in Dowladda federaalku aysan joojin duulimaadyada gobolada dalka, halka ay gebi ahaanba joojisay duulimaadyadii Caalamiga ahaa, midaasi oo sababtay in Diyaarado kasoo dagi lahaa Madaarka Hargeysa ay baaqsadaan, xili ay Somaliland shaacisay in Madaarkeedu u furan yahay wadamada qaar.