Diyaarada Ethiopian Airlines oo ka degtay HARGEYSA

Hargeysa (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland ayaa sheegaya inay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa ay Maanta soo caga dhigatay Diyaaradda Itoobiya Airline.

Duulimaadka Diyaaradda Itoobiya Airlines ayaa imanaya saddex maalin kaddib markii ay dhaqan gashay amarkii dowladda Soomaaliya ku joojisay duulimaadyada caalamiga ah, si looga hortago cudurka Coronavirus.

Diyaaradda Itoobiya Airlines ee kasoo dagtay Hargeysa ayaa kasoo duushay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, waxayna siday rakaab tiro badan.

Horey ayaa diyaaradda FlyDubai oo rakaab siday, kana soo duushay Dubai ayaa markii ay hawada Soomaaliya soo gashay lagu amray inay dib u laabato oo aanay ka degi karin Hargeysa, kaddib markii qalabka isgaarsiinta ay kala hadashay Hey’adda Saadaasha Hawada.

Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlay diyaaradda Itoobiya ee ka dagtay Magaalada Hargeysa, inkastoo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duuliska Hawada ay qoraal ka soo baxay ku sheegtay in muddo labo cisho la fasaxay duulimaadyada caalamiga, si muwaadiniinta ku xaniban caalamka loo soo qaado.

Si kastaba, Ethiopia Airlines ayaa qoraal ay horey usoo saartay ugu sheegtay inay sii wadi doonto duulimaadyada Hargeysa, ayada oo Soomaaliya iyo Somaliland u kala saartay laba dal.