28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Weerar culus oo lagu qaaday guriga duqa BOORAMA

Bookmark
Bookmarked

Share

Boorama (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar xalay saqdii dhexe lagu qaaday hoyga uu degan yahay Duqa magaalada Boorama ee gobolka Awdal, Mudane Saleebaan Xasan Xadi.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa fuliyey rag hubeysnaa, kuwaas oo rasaas huwiyey guriga mas’uuliyiinkaasi, xilli ay ku sugnaayeen isaga iyo qoyskiisa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib iska hor imaad kooban uu dhex-maray askar ilaalo ka aheyd hoyga iyo kooxda weerarka soo qaaday oo goobta isaga baxsatay.

Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay is-rasaaseynta labada dhinac, sidoo kale guddoomiyaha iyo xubnaha qoyskiisa ayaa bad-qaba, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Sawirro laga soo qaaday guriga ayaa muujinaya waxyeelo ay rasaasta lagu furay u geysatay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland saaka ay tageen halkaasi, islamarkaana ay sameeyeen baaritaano dheeraad ah.

Illaa iyo hadda wax faah faahin mas’uulka la weeraray iyo laamaha amniga Somaliland kama bixin dhacdadaasi.

Deegaanada Somaliland ayaa waxaa inta badan weeraro ka geysta jabhado hubeysan oo ku xoogan maamulkaasi, inkastoo aysan weli jirin cid sheegatay weerarkaasi xalay lagu qaaday guriga Duqa magaalada Boorama ee gobolka Awdal, Mudane Saleebaan Xasan Xadi.

- Advertisement -

Read more

Local News