Weriye Coldoon oo weli u xiran ‘inuu laf dhuun-gashay’ ku noqday SOMALILAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo sidoo kale ahaa Samafale caawiya dadka tabaaleysan ayaa muddo ku siman hal sanno u xiran xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi, iyada oo loo soo jeediyay eedeymo kala duwan oo salka ku haya magac dil qaran iyo aflagaado Madaxweyne.

Wariye Coldoon ayaa la aaminsan-yahay in sifo sharci daro ah loo maray xarigiisa, iyada oo 17-kii April ee sanadkii hore ee 2019-ka ay gacanta kusoo dhigeen Ciidamada Somaliland, iyaga oo aan wax waaran ah u sidan xarigiisa, sida ay hore u sheegen Qareeno u doodayey Coldoon.

Coldoon ayaa Maxkamadi ku xukuntay Saddex sano iyo badh, kadib markii ay sheegtay inay ku heshay eedeymaha aan kor kusoo xusnay iyo weliba faafinta warar been abuur ah oo ka dhan ah Somaliland, iyada oo Qareenadiisu ay aaminsan-yihiin in xukunkaasi uu udhacay qaab siyaasadeysan, oo lagu xukumay aragtidiisa shaqsiyadeed oo laf dhuun-gashay ku noqotay Somaliland.

Xukuumada Muuse Biixi oo eedeymo kala duwan loogu jeediyay xariga Coldoon ayaa gebi ahaanba iska fogeysay, iyada oo ay ugu dambeysay eedeyntii Hey’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ujeedisay xukuumadooda, iyada oo weliba si dhakhso ah uga dalbatay in loo sii daayo Wariye Coldoon oo sifo sharci daro ah ku xiran.

Amnesty International ayaa xariga Cabdimaalik ku tilmaamtay mid sabab la’aan ah, maadaama loo fuliyay amar la’aan, waxaana lagu xadgudbay Qodobka 25 (2) ee dastuurka Somaliland, kaas oo dhigaya in booliska ay qasab ku tahay in ay ka helaan warqad amar qaadasho ka hor inta aan la xirin

Xukuumada Somaliland, gaar ahaa hogaamiyaheeda Muuse Biixi Cabdi ayaa dhowr jeer oo kala duwan laga dalbaday inuu cafis u fidiyo Wariye Cabdimaalik Coldoon, inkasta oo u muuqdo mid dhagaha ka fureysanaya dalabaadka ku aadan sii-deynta Coldoon, hadana waxa socda dadaalo xukuumadiisa culeys lagu saarayo si ay usii deyso Wariyaha