Barnaamijka Baxnaano ee 3 dollar qofkiiba lagu siinayo dad gaaraya 1.3 milyan qof

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday barnaamij ay ugu magac dartay Baxnaano, kaasoo sida madaxweynuhu sheegay lagu taakuleynayo dadka danyarta ah ee Soomaaliyeed.

Intii ay socotay daahfuridda barnaamijkan, ayaa madaxweyne Farmaajo wuxuu xukuumaadda ku ammaanay xaqiijinta ballanqaadyo ku aaddan soo nooleynta adeegyadii bulshada ee aasaasiga ahaa. Haddaba qoraalkan yar waxaan wax kaga eegeynaa aragtiyo laga qabo barnaamijka Baxnaano iyo sidoo kale weydiinta ah maxaa ka dhab ah in dowladdu xaqiijisay fulinta adeegyo aasaasi ah.

Barnaaminka Baxnaano oo ah mid uu maalgelinayo bangiga adduunka ayna isla fulin doonaan DFS, hey’adda WFP iyo UNICEF, ayaa waxaa ku kici doonta lacag gaareysa 4 milyan oo doollar, ayada oo ay ka faa’iideysan doonaan, sida DFS sheegtay, dad gaaraya 1.3 milyan (hal milyan iyo saddex boqol oo kun) oo qof oo ku nool 21 degmo oo dalka ah. Waxaan is weydiiyey sidee kaalmo ugu noqon kartaa dadka intaas le eg lacagta loo qoondeeyey? Waxaa qofkiiba ku soo aadi doonta 3 doollar. Waa kaalmo aad u yar marka loo eego sida dowladdu ay maal faro badan hore ugu bixisay waxyaabo aan aasaasi aheyn.

Sida aan xusuusanno waxey xukuumaddu horey malaayiin doollar ugu bixisay dhismooyin goobo fanneed, ciyaareed iyo maaweelo. Rw Kheyre oo booqday Gaalkacyo wuxuu dhowr boqol oo kun doollar ku deeqay dhismo garoon ciyaareed, ayadoo lacagtaas lagu bixin karay adeeg aasaasi u ah bulshada sida isbitaal, dusgi waxbarasho iwm. Waxaa sidoo kale Reysulwasaaruhu mar uu booqday magaalada Baydhaba ku deeqay lacag fara badan si loogu dhiso garoon lagu ciyaaro, ayadoo lacagtaas loo weecin karay adeeg bulsho oo aasaasi ah. 

Dowladdu waxey malaayiin doollar ku bixisay dhismaha taallooyin aan wax weyn ugu fadhiyin xilligan dadka Soomaaliyeed oo beddelkeeda u baahan adeegyo aasaasi ah. Waxaa kale oo jira maal kale oo lagu bixiyey dhismaha Tiyaatarka Qaranka iyo Stadio Muqdisho. Hantidaas ay dowladdu faraqday waxaa looga faa’iideysan karay in la geliyo goobaha caafimaadka iyo waxbarashada.

Baxnaano waa mashruuc wanaagsan laakiin aan heysan gacan furnaantii uu u baahnaa. Saddex doollar cidna meel kama qoyso. Haddiise laga dhigo waxtar, waxey noqoneysaa meel ka dhac garaadka bulshada loo geystay. Haddaba ayadoo wax walba laga istaagayo dhinaca wanaagsan waxaa dowladda la gudboon iney xoolo u hurto shacabka Soomaaliyeed oo xilliga baahi weyn u qaba kaalmo daruuri ah.

Hantidaas la geliyey meelahaas aan sheegay ee aan munaasibka aheyn, waxaa ay ku habbooneyd in isbitaal casri ah dowladdu ku hirgaliso, taasoo maanta meel weyn uga soo bixi laheyd bulshada Soomaaliyeed xilligan adag. Maanta ma jiro hal isbitaal oo qalabeysan oo ay dowladdu hirgelisay, marka laga reebo kuwii ay ugu yimaadeen marka ay xilka qabanayeen.

Dowladnimadu maaha dhagar, afgobaadsi iyo halagaa sheego, ee waa waxqabad iyo isla xisaabtan. Waxaan heysannaa xukuumad aan weligeed la xisaabin, muddo saddex sano ka badan, oo aan baarlamaan hortagin. Haddii isla xisaabtan jiri lahaa maamul-xumadaas naguma dhacdeen!

Yusuf Shuqale Xasan – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: yhamari@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid