25 C
Mogadishu
Thursday, July 10, 2025

Maamulka Koonfur Galbeed oo shaaciyey arrinta lagu haystay weriyaha VOA-da

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka warbixiyey xarigga Weriye Mukhtaar Maxamed Catoosh, oo ka tirsan Idaacadda VOA, kaas oo maalin ka hor lagu xiray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, oo faahfaahin ka bixiyey xarigga Weriye Mukhtaar, ayaa sheegay in Catoosh loo heystay warbixin “been buur ah” uu u diray VOA.

Catoosh ayaa caawa lagu sii daayey damiin, sida aan xogta ku helnay.

Wasiirka ayaa sheegay in warka loo xiray Weriye Mukhtaar uu ku saabsanaa kufsi ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose oo loo geystay gabdho sida la sheegay lagala degay gaari kasoo baxay Muqdisho, kuna socday Baydhaba oo xarun ku meel gaar ah u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Ugaas Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhaba ayaa sheegay inay daawadeen warbixinta wariyaha uu gudbiyey oo muuqaal aheyd, intaasi kadibna ay raadiyeen waxa ka jira dhacdadaas, balse  ay ogaadeen in uusan jirin kufsi ka dhacay inta u dhaxeysa Walanweyn iyo Leego oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka waxa uu intaas ku daray in Catoosh aan loo xirin arrimo siyaasadeed, sida dadka qaar ay u dhigeen, buu yiri.

Maamulka Koofur Galbeed ee uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa lagu eedeeyaa in uu caburiyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan iyo wariyayaasha ka howlgala deegaanada maamulkaasi.

Hoos ka daawo shirka Jaraa’id 

- Advertisement -

Read more

Local News