25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

VIDEO: Wiil dhallinyarro ah oo Muqdisho ku sameeyay mashiinka NEEFTA siiya bukaanada qaba COVID-19

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo Soomaaliya uu aad ugu yar yahay qalabka neefta siiyo Bukaanada naqaska ku dhagoee loo yaqaan Ventilator , ayaa waxaa qalabka neefta sameeyey wiil dhallinyaro ah oo Soomaali ah.

Wiilkaan oo lagu magacaabo Maxamed Caddaawe ayaa sheegay inuu qalabkaan ugu talagalay dadka uu soo ritay cudurka Coronavirus ee dhibaatada ku qabo inay helaan qalabka neefta siiyo dadka.

Wiilkan ayaa sheegay inuu arrintan ku howlanaa muddo 20 maalmood markii uu maqlay wiil aabihiis Oxygen la’aan ugu geeriyooday Muqdisho.

Qalabka uu wiilkaan sameeyey ayaa ah qalab Manual ah oo aan u baahneyn inay dadku riixaan, taasoo si weyn loo soo dhoweeyay.

Qaar ka tirsan dhaqaatiirta Muqdisho ka howlgalo ayaa sheegay inuu qalabkaan yahay mid si weyn u anfacayo dadka Soomaaliyeed, waxayna isbitaalada qaar ku dhawaaqeen inay isticmaali doonaan qalabkaan.

Haddaba halkaan hoose ka daawo qalabka uu wiilkaan sameeyey

- Advertisement -

Read more

Local News