32.7 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Jubaland oo ka hadashay tallaabooyinkii ay shalay qaaday DF ee gobolka Gedo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Jubbaland Gen. Maxamed Warsame Darwiish oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay tallaaboyinka cusub ee dowladda federaalka ay ka qaaday gobolka Gedo, oo xiisad cusub abuuray.

Xiisadda cusub ee gobolka ayaa salka ku haysa qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka oo uu xilka ka qaaday Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Gobolka Gedo ahna Madaxa Amniga ee Gobolkaas Cismaan Nuur Xaaji Macalimow, oo ku xiran dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda federaalka ay gobolka Gedo ka abuureyso jahwareer siyaasadeed oo aad u xun, sida uu hadalka u dhigay.

Darwiish ayaa sheegay in arrimaha muddooyinkii danbe ka socday gobolka Gedo ay gadaalay ka riixeyso dowladda federaalka inay yihiin kuwo sharciga baalmarsan, waxuuna sharci darro ku tilmaamay in xil ka qaadis lagu sameeyey qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Gedo.

Darwiish ayaa sheegay in Jubbaland ay aqoonsantahay guddoomiyeyaashii ay wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland u magcowday degmooyinka gobolka Gedo, isaga oo mid aan sharci aheyn ku tilmaamay maamuladii ay dowladda federaalku dhawaan u magacawday degmooyinka gobolkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Darwiish ayaa dowladda federaalka uga baaqay inay ka fiirsato arrimaha ay ka wado gobolka Gedo, si gaar ah wasaaradda arrimaha gudaha heer federaalka ayuu ka dalbaday inay arrimaha gobolkaas wax ka bedesho.

- Advertisement -

Read more

Local News