Kiisaska cudurka COVID-19 ee Soomaaliya oo mar kale sare usii kacay (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinteeda galabta ku shaacisay kiisas aad u badan oo Coronavirus ah, kuwaas oo laga kala diiwaan geliyay inta badan deegaanada dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo laga helay tirada ugu badan ee kiisaska cudurkaas.

Wasaaradda ayaa ku sheegtay warbixinteeda in 24-kii saas ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 81-kiis oo COVID-19 ah, mana jirto cid loo diiwaan geliyey saacadihii lasoo dhaafay inay u dhimatay xanuunkaas, sida ku cad warbixinta.

Tirada ugu badan ee dadka laga helay cudurkaas waxay ku noolyihiin gobolka Banaadir waxayna gaarayaan 44 qofood, Jubbaland ayaa laga diiwaan geliyay 24, Puntland ayaa iyana laga diiwaan geliyay 6-qof, Somaliland waxaa laga helay cudurka 5-qof, halka Hirshabelle laga helay 2-qofood.

50 kamid ah dadkan laga helay xanuunka Coronavirus waa rag, halka 31-ka kale ay dumar yihiin, sidoo kale shan qof ayaa kasoo bogsasatay cudurkan saacadihii u dambeeyay.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 1,170 xaaladood, tirada guud ee bogsashada ayaa gaartay 126 qofood, halka dhimashada uu sababay xanuunkaas ay gaartay 52 qofood, inta la ogyahay.