Xog: DF Somalia oo shaqada ka cayrisay 21 garsoore, qoratayna 23 garsoore

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dowladda federaalka Soomaaliya ay qoratay 23 garsoore oo cusub kadib markii shaqada laga cayriyey 21 garsoore, xilliyo kala duwan.

Garsooreyaasha la cayriyey ayaa isugu jira 6 dhowaan la eryey, laba la eryey markii uu xilka qabtay guddoomiyaha maxkamdda sare, iyo 13 la eryey xilligii madaxweyne Xasan Sheekh, balse kuraastooda banaaneyd.

Garsoorayaasha shaqada laga eryay waxaa ka mid ah Gudoomiyihii Maxkamadda Racfaanka ee dhowaan xilka laga qaaday, guddoomiyihii Maxkamada gobalka Banaadir ee asna xilka laga qaaday iyo 19 Garsoore oo kale oo hoose.

Sidoo kale kuwa kale ee cusub ee shaqada loo qaatay ayaa waxaa kamid ah guddoomiyaasha cusub ee la magacaabay iyo 19 qof oo kale.

Sababta keentay in Garsoorayaasha dhowaan shaqada laga eryo ilaa hada lama oga balse waxaa soo baxaya iney aheyd dalab ka yimid guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka islamarkaana ay sidoo kale qeyb ka tahay khilaafkii maalmahaan taagnaa.

Mas’uuliyiin badan ayaa madaxda Garsoorka iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku dhaliilay shaqo ka ceyrinta Garsoorayaasha taas oo dhibaato ku ah qoysas badan oo ku tiirsanaa mustaqbalka kuwa la eryay, xataa ay saameen ku yeelan karta ammaanka iyo cadaaladda dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan shaaciyey inuu xilalkii ka qaaday guddoomiyaasha Maxkamadaha Racfaanka iyo gobalka Banaadir kadib asbuucyo khilaaf ah u dhaxeeyay masuuliyiinta Garsoorka Soomaaliya, hase yeeshee garsooreyaasha hoose ayaan si rasmi ah loo shaacin.