Kadib guul-darradii Libya, Sacuudiga iyo Imaaraadka oo xasilooni darro ka billaabay dal kale oo Carbeed

Tunis (Caasimada Online) – Warbaahinta Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Masar ayaa billaabay olole ka dhan ah Rached Ghannouchi oo ah hogaamiyaha dhaq-dhaqaaqa Ennahda ee dalka Tunisia, si ay u dhaawacaan sumcaddiisa.

Dhaq-dhaqaaqa Ennahda ama Dhaq-dhaqaaqa Iska caabinta waa dhaqaaqi Islaami dimqoraadi ah, oo ku aragti ah Ikhwaanul Muslimiinka Masar, kaasi oo 38 kadib markii la aas-aasay ku guuleystay doorashooyinkii Tunisia ee ka dambeeyey kacdoonkii dalkaas, soona dhisay dowladda hadda jirta.

Sky News Arabia, Tv-ga Sucuudigu maalgeliyo ee Al-Carabiya iyo Wargeyska Yoom7 ee kasoo baxa Masar ayaa daabacay warar isdabajoog ah oo isku xig xiga oo dhan ah hoggaamiyaha Ennahda.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Ghannouchi uu dhaqaale aad u badan helay tan iyo markii uu Tunisia kusoo laabtay, markii uu kacdoonkii guuleystay sanadkii 2011-kii, lacagtaas oo dhan $8 billion oo dollar.

Dadka indho-indheynaya waxaa ay rumeysan yihiin in ololuhan la doonayo in uu kala fogaansho ka dhex abuuro baarlamaanka iyo Madaxtooyadda iyo in uu isku dhac ka dhex abuuro baalamaanka si uu hey’adda Dowliga ah ee Tunisia kadibna kala jejebiyo, si ay xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka u helaan albaab ay kasoo galaan Tunisia.

Daboolista guul-darrooyinka Libya

Ololahaan waxaa uu ku soo aaday markii maleeshiyaadka daacadda au ah Khaliifa Xaftar uu khasaare kasoo gaaray magaalooyinka galbeed ee dalka, iyo iyadoo ciidanka Libya ay la wareegeen maamulka saldhigga Alwatiya ee ciidanka cirka.

Khubaradu waxay u arkaan in deg-degga warbaahinta ee ay wadaan Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar ee ka dhanka ah Ghannouchi uu yahay isku day lagu daboolayo guul daradda kasoo gaartay Libya.

“Libya waa fure-sireedka Imaaraadka ku hagaya ololaha ka dhanka ah Sheikh Rachid Ghannouchi,” sida uu sheegaay Cammar Fayed oo ah cilmi-baare ku xeel-dheer arrimaha Bariga Dhexe.

“Inkastoo ay fududahay in la diido in Ghannouchi uu dhaqaale badan helay iyo sidii uu ku dhawaaqeenba cidda ay quseeyso, waaya aragnimadu waxay noo sheegeysaa in aysan waxaba ahayn sida ay eedeymuhu xiiso u leeyihiin, qul-qulka warbaahinta ayaa ka dhigaya wax laga yax-yaxo gaar ahaan haddii ay ku lamaan yihiin dhaq-dhaqaaqa Imaaraadka taageerto ee Tunisia,” ayuu Fayet u sheegay Anadolu.

“Isbaheysiga kacdoon iska caabinta kuma uusan talo gelin in uu ogolaado tijaabo dalka gudihiisa ah si ay ugu gudbaan Imam Ghannouchi” ayuu hadalkiisa ku daray.

Fayet waxaa uu adkeeyay in kacdoonka iska caabinta Libya ay saameyn toos ah ku leeyahay beegsiga xasiloonida Siyaasadda Tunisia iyo Ghannouchi oo u hambalyeeyay qabsashadda Dowladda Libya ee garoonka diyaaradaha ee Al-Wattiya oo u dhow xuduudda Tunisia, taasi oo ay ka caroodeen Qaahira iyo Abu Dhabi.

Tunisa, dimoqraadiyadda kaliya ee weli taagan

“Siyaasadda sumcad dilka ah waa caan waana siyaasad wareegeysa, laakiin khatar ayey noqota markii wadamadu ku dabaqaan hey’adahooda dowliga ah iyo warbaahintooda, sidaas darteed marin habaabinta, iyo beentu waa ay baahayaan” ayuu yiri Suxufi Masar u dhashay oo Osama Gaweesh lagu magacaabo.

Garwesh waxaa yiri “su’aashu waa maxay tahay sababta iska caabintu isugu dayeyso in la sharaf dilo Ghannouchi? Si kooban, jawaabtu waa Libya.”

Waxaa uu hadalkiisa ku daray “waxay u muuqataa in xulufadu aysan qaadan karin sida looga adkaaday gacantoodii Libya ee Khaliifa Xaftar oo ay ka adkaatay Dowladda caalamku aqoonsan yahay.”

Tunisia waxaa loo tixgeliyaa in ay tahay nidaam demoqaraadi ah oo furan kaasi oo aysan awood gaar ah heysan. Arrintu waa in aysan la mid ahayn nooca maamul ee Imaaraadka kadib markii dhaq-dhaqaaqa Ennahda uu doorashadii ugu horreysay ku guuleystay.

Isu soo baxyadda kacdoonka ee Tunisia ee ay hogaamiyaan Ennahda waxaa ay sidoo kale weerar kala kulmaan kuwo kale oo ay taageerto Imaaraadka Carabta iyagoo warbaahinta u maraya taasi oo keentay in Ra’iisul Wasarihii hore Hammad al-Jabali uu dhaho “Imaaraadka waxay ku xad gudbeysaa madaxbanaanida qaranka iyadoo adeegsaneysa lacag iyo warbixin”.