Wararkii ugu dambeeyey ee khilaafka Saciid Deni iyo Axmed Karaash ee Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ay aqbaleen inay ka wada-hadalaan khilaafka haatan u dhexeeya, si xal waara looga gaaro.

Guddoomiyaha dallada ururada bulshada rayidka Puntland ee PUNSA, Feysal Axmed Warsame ayaa ka warbixiyey kulamo gooni gooni ah oo ay la qaateen Siciid Deni iyo Axmed Karaash, kuwaas oo looga arrinsaday, sidii loo dhameyn lahaa khilaafkooda.

Feysal ayaa sheegay in labaduba ay ka codsadeen in wad-hadal lagu dhameeyo xiisada, islamarkaana ay ka aqbaleen in ay is hor fadhiistaan, si ay uga wada-xaajoodaan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka dallad ahaan ay iyagu dhameyn doonaan arrinta, islamarkaana ay heystaan damaanad-qaad la xiriira in ay ka aqbaleen dadaalka ay wadaan.

Khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee dowlad goboleedka Puntland oo aad u xoogeystay maalmihii u dambeeyey ayaa salka ku haya awooda maamulkaasi.

Waxaa sidoo kale fashilmay isku dayo kala duwan oo horay loo sameeyey, si loo dhex-dhexaadiyo labadaasi mas’uul.

Xaaladda Puntland ayaa muuqata mid sii cakirmeysa marba marka ka dambeysa, iyadoo uu saameeyey cudurka Coronavirus oo laga helay mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.