Cabdi Xaashi oo ka hadlay arrimaha xasaasiga ah ee doorashooyinka 2020/2021

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo wareysi dheer bixiyey ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka soo socda ee 2020/21-ka.

Ugu horreyn Senator Cabdi Xaashi ayaa shaaciyey in doorashada baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha lagu qaban doono waqtiga saxda ah ee loo qorsheeyey.

Sidoo kale wuxuux tilmaamay in aysan doorashada soo socota saameyn doonin dib u dhigista lagu sameeyey furitaanka kalfadhiga todobaad ee baarlamaanka iyo sidoo kale warbixinta la filayey in laga dhageysto guddiga doorashooyinka oo iyana dib loo dhigay.

Guddoomiyaha golaha aqalka sare ayaa xusay in dalka ay ka jiraan duruufi is-biirsaday oo ugu daran tahay tan cudurka faafa ee Covid-19, islamarkaana taasi ay saameyn ku yeelatay dhaq dhaqaaqii baarlamaanka federaalka, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdi Xaashi ayaa hoosta ka xariiqay in mudada kooban ee u harsan ay ku dardar-gelin doonaan howlaha horyaalla, islamarkaana ay gudan doonaan waajibaadka saaran.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo beesha caalamka & xubnaha mucaaradka ay walaac ka muujiyanayaan diyaar-garow la’aanta dowladda federaalka ee doorashada 2020-2021-ka, iyagoona ka digay in muddo kororsi loo sameeyo ha’adaha dastuuriga ah.