Xogahayha guud ee QM oo amaanay tallaabo uu qaaday madaxweyne FARMAAJO

Hargeysa (Caasimada Online) – António Guterres, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ammaanay tallaabadii uu madaxweyne farmaajo ku raali-geliyey reer Somaliland, wuxuuna fariin u diray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland, midaasi oo ugu baaqayey inay dib u furaan wada-hadalada labada dhinac ee muddada badan hakadka ku jiray.

Guterres ayaa warbixintii uu siiyey kulanka Golaha Ammaanka QM ee arrimaha Soomaaliya, waxa kale oo uu soo dhaweeyay Raali-gelintii uu Madaxweyne Farmaajo u diray Somaliland, taasi oo ku aadaneyd xasuuqii ay dowladda Maxamaed Siyaad Barre ka geysatay qaar kamid ah deegaanadeeda.

Sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay kulankii u horeeyay ee dhex-maray Farmaajo iyo Muuse Biixi, kaasi oo ka dhacay caasimada Itoobiya ee Addis-Ababa, isla markaana uu soo qaban qaabiyey Abiy Axmed.

António Guterres ayaa arrimahaasi kaga hadlay warbixintiisi saddex biloodka aheyd, isagoona dalbaday inay labada madaxweyne ay kobciyaan xiriirka ka dhaxeeya oo hadda u muuqda mid maraya meeshii u xumeyd.

“Kulankii dhex maray Farmaajo iyo Biixi wuxuu ahaa talaabo togan. Waanan bogaadinayaa. Farmaajo wuxuu soo saaray warbixin guud oo uu ku qiray xad gudubyadii ka dhanka ahaa xuquuqal insaanka ee ay dawladii Maxamed Siyaad Barre samaysay, Muudane. Biixina wuu aqbalay talaabadaas,” ayuu yiri António Guterres

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaan ugu baaqayaa labada hoggaamiyeba inay ku dul dhisaan xiriirkan si ay ugu kobciyaan xiriirka oo ay uga sameeyaan horumar dib u bilaabista wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland”.

Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa mudda badan hakad ku jira, iyada oo muddooyinkii dambe ay sarre usii kaceysay xiisada ka dhaxeysa labada dhinac, midaasi oo god kusii ridaysa inay dib u bilowdaan wada-hadaladaasi.