Maxkamadaynta mas’uuliyiin ka tirsan DF Soomaaliya oo ka billaabatay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwad lagu soo oogay xubno ka tirsan wasaaradda caafimaadka oo loo heysto eedeymo musuq-maasuq ah, kuwaas oo dhowaan xabsiga la dhigay.

Xubnaha dacwadooda la dhageysanayo ayaa gaaraya illaa 10 ruux, kuwaas oo ay ku jiraan agaasimeyaal waaxeedyo iyo agaasimaha guud ee wasaaradda.

Dhammaan xubnahan ayaa xeer ilaalinta dalka waxa ay ku soo eedeysay lunsashada xoolo dadweyne, gaar ahaan markii uu bilowga ahaa cudurka faafa ee Coronavirus.

Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ah xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa horey u sheegay in isagoo kaashanayo xafiiska Hanti dhowraha guud ay soo qabteen 20 qof oo lagu helay musuq-maasuq ka dhacay howlaha caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, kadibna lugaha la galay wasaarado kale.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo suuqyada magaalada Muqdisho lagu arkay, iyada oo lakala iibsanayo agabkii loogu tala-galay ka hortaga cuduka Covid-19 ee loogu deeqay dowladda federaaka ah ee Soomaaliya, kadib la musuq-maasuqay qalabkaasi.

Si kastaba ha’aheetee inta badan kiisaska la xiriira musuqa ayaa ku soo dhamaada wada-hadal iyo in la sii daayo xubnaha lagu helay, iyadoo aan la shaacin halka uu ku dhamaaday.