Madasha xisbiyada qaran oo shaacisay go’aankeeda ku aadan guddiga Aqalka Sare

Muqdisho (Caasimada Online ) – Madasha xisbiyada qaran oo soo saartay war qoraal ah ayaa taageertay guddigii uu xalay guddoomiyaha Aqal Sare Cabdi Xaashi C/laahi u magacaabay dhex- dhexaadinta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Qoraalka ka soo baxay madasha ayaa waxaa ugu horreyn lagu soo dhoweeyey dadaallada uu wado guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare.

Sidoo kale madasha xisbiyada qaran ayaa sheegtay inay taageereyso dadaallada socda ee lagu doonayo in la isugu keeno madaxda dowladda iyo kuwa maamullada dalka.

Halkan hoose ka aqriso.

Waxaan soo dhaweynayaa guddiga uu magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi ee ka howlgali doona isku-keenista madaxda labada heer Dowladeed iyo qabsoomidda shirka looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono doorashooyinka Qaranka 2020/2021, si loo helo hannaan raali ay isaga yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha Xisbiyada Qaran.

Sidoo kale madasha ayaa intaasi raacisay “Waa tallaabo mudan dhiiragalin iyo garab istaag, maadaama guddoonka Aqalka Sare ay muujiyeen biseyl iyo inay ka go’antahay xal ka gaarista mashaakilka muddada dheer u dhaxeeyey Madaxda labada heer ee dalka oo kala ah Dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah”

Ugu dameyn waxay ka dalbatay in labada dhinac ay muujiyaan tanaasul“Waxaan ka rajeyneynaa in labada dhinac ay muujiyaan tanaasul iyo in laga fikiro mustaqbalka Soomaaliya oo wadahadal iyo isqancin oo kaliya guul lagu gaari karo”

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan lagu guda jiro xilli adag oo kala guur ah, islamarkaana aysan weli cadeyn nooca doorasho ay dalka ka dhaceyso 2020/21-ka, iyadoo sidoo kale halkiisii yahay khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe, Puntland iyo Jubbaland.