Guddoomiyaha BARI oo ka horyimid banaan-bax lagu taageeri lahaa Farmaajo

Boosaaso (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Bari ee maamulka Puntland Cabdisamad Yuusuf Maxamed ayaa ka horyimid banaanbax la doonayo in lagu taageero madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo la qorsheeyey inuu ka dhaco magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha ayaa Dowladda Dhexe ku eedeeyey inay dooneyso in qalalaaso iyo foodo laga dhex abuuro bulshada ku nool deegaanada Puntland, isagoo carabka ku dhuftay inaysan aqbali doonin banaanbax sharci darro ah.

Guddoomiyaha ayaa ku hanjabay inuu tallaabo ka qaadi doono cid kasta oo isku daydo inay banaanbax lagu taageero Dowladda Dhexe ku qabato Boosaaso iyo deegaanada kale ee Gobolka Bari

“Dad ayaa baryahan intay dad dhahaan Farmaajo ayaan taageeraynaa ee soo baxa kuwaas waxaan leeyahay meel ku sheegga mashaariicdii uu idiin balanqaaday,ma jirto wax ay qabteen Farmaajo iyo Kheyre,” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Bari.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inay ku daba joogaan oo ay gacanta kusoo dhigi doonaan dhowr ruux oo taageero u ah Farmaajo iyo Kheyre oo ku sugan Gobolkaas sida uu hadalka u dhigay.

Shacabka Puntland ayuu ka codsaday in ay Ogaadaan Hagardaamo uu sheegay in ay ku heyso dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli sidoo kale maamulka Hirshabelle uu joojiyey banaanbax lagu taageeri lahaa madaxweyne Farmaajo oo lagu qaban rabay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Hiiraan.