Madaxweyne WAARE oo magacaabay wasiiro cusub, kuwa kalena xilka ka qaaday

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa xil ka qaadis ku sameeyey wasiiro ka tirsanaa golihiisa, isagoona kuwa cusub magacaabay, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in xil ka qaadis lagu sameeyey wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga maamulkaasi, Mudane Gelle Isaaq, iyadoona xilkaasi loo mgacaabay Mudane Xasan Maxamed Cilmi.

Sidoo kale waxaa wareegtada lagu sheegay in isna xilkii laga qaaday Luqmaan Haji Baarqab oo ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha HirShabelle, waxaana lagu bedalay, Mudane Yuusuf Sheekj Xasan Macalin.

Sababta xilka looga qaaday wasiiradaasi ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay baahi loo qabo IN LA dardar-geliyo howlaha shaqo ee wasaaradaha amniga iyo maaliyadda ee maamulkaasi.

HirShabelle oo haatan la daala dhaceysa dhibaatooyin adag oo amniga iyo dhaqaalaha ay ugu daran yihiin ayaa waxaa lagu eedeeyaa madaxdeeda in ay ku mashquulsan yihiin arrimo gaar ahaaneed, iyaga oo inta badan sameeya xilka qaadis iyo magacaabis deg-deg ah.