Guddiga isku keenista madaxda DF iyo dowlad goboleedyada oo la magacaabay (Aqriso Magacyada)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay guddiga isku keenista madaxda dowladda federaalka iyo dowladda goboleedyada, sida lagu sheegay qoraal goor-dhow kasoo baxay Aqalka Sare.

Sida cad qoraalka Aqalka Sare, guddigan ayaa ka shaqeyn doona qabsoomidda shirka looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono doorashooyinka qaranka ee 2020/2021, si loo helo hab iyo hannaan raalli la isaga yahay oo doorashada lagu galo.

Xubnaha guddiga ayaa kala ah

1 – Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
2 – Senator Cabdirisaaq Cusmaan Xasan (Jurile)
3 – Senator Cabdi Axmed Dhuxulow
4 – Senator Muxiyadiin Sheekh Cali Jaamac
5 – Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)
6 – Senator Xuseen Sheekh Maxamuud
7 – Senator Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)
8 – Senator Cusmaan Maxamuud Maxamed (Dufle)
9 – Senator Cabdulaahi Cabdi Garuun

Guddiga ayaa la sheegay inuu xilka hayn doono inta uu ka soo geba-geboobayo shirka wada-tashi ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka 2020/2021.

Magacaabistan ayaa timid maalmo kadib markii guddoomiye Cabdi Xaashi uu ugu baaqay madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada inay ka arrinsadaan arrimaha doorashooyinka.

Si kastaba, madaxweyne Farmaajo ayaa horey u diidanaa inuu la kulmo madax goboleedyada, si gaar ahna madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, mana cadda illaa iyo hadda hadda iska beddelay mowqifkiisa.