Xog: Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Jabuuti iyo qorshe culus oo socda

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in toddobaadka soo socda uu boqoasho ku tago dalka Jabuuti, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan madaxtooyada u sheegeen Caasimada Online.

Madaxweynaha ayaa halkaas Talaadada kula kulmi doona madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo isna halkaas ku wajahan, waxaana ay yeelan doonaan shir saddex geesood ah.

Kulanka ayaa la filayaa in looga hadlo arrimaha gobolka Geeska Afrika, iyo mashruuca is-dhex-galka gobolka ee uu wado Abiy Ahmed, kaasi oo horey ay qeyb uga ahaayeen Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya.

Jabuuti, oo aan qeyb ka ahayn shirarkii hore, islamarkaana dareemeysay in gees loo riixayo, ayaa la filayaa in laga soo qeyb-galo qorshahan, balse ma cadda sida uu ku hir-geli doono maadaama xiisad ay ka dhaxeyso Jabuuti iyo Eritrea, oo isku haya dhul ku yaalla xuduudda.

Jabuuti ayaa sanadkii tegay aad uga xumaatay markii Soomaaliya ay ka qeyb-gashay marshruucan, islamarkaana la saxiibtay dal ay u aragtay inay is-hayaan ayada oo dareentay in Soomaali aysan kasoo bixin booskii walaalnimo iyo Soomaalinimo ee ay ka fileysay.

Inta madaxweyne Farmaajo ku sugan yahay Jabuuti ayaa la filayaa in mar kale la kulansiiyo isaga iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo isna la filayo inuu tago Jabuuti, waxaana dadaalkan si wadajir ah u wada Ismaaciil Cumar Geelle iyo Abiy Ahmed.

Labada madaxweyne ayaaa horraantii sanadkan ku kulmay xafiiska Abiy Ahmed ee magaalada Addis Ababa.

Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi, ayaa la filayaa inay garaaan heshiis lagu wanaajinayo xiriirka labada dhinac, islamarkaana dowladda federaalka ay dib ugu fasaxeyso mashruucyadii iyo dhaqaalihii ay hakisay ee beesha caalamka ay siin jirtay Somaliland.

Soomaaliya iyo Somaliland iyo dhowaanahan waxaa u socday wada-hadallo hoose, sida uu kulankii Golaha Ammaanka ka sheegay ergeyga QM James Swan oo xaqiijiyey in labada dhinac ay leeyihiin xiriir joogto ah.

“Marka ay noqoto xiriirka Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa na dhiiri-gelinaya in wada-hadallo heer sare ay socdaan, islamarkaana labada dhinac ay muujiyeen inay ka go’an tahay inay joogteeyaan xiriirka ayna sii raadiyaan wada-xaajoodyo dheeraad ah,” ayuu yiri James Swan.