10 qof oo ku dhaawacmay MUQDISHO kadib rasaas dabaal-deg ah oo la riday

Muqdisho (Caasimada Online) – Habeenkii 26-ka June ee Muqdisho looga dabaal dagayey xornimadii gobollada waqooyi ee Soomaaliya 60-sano kahor, ayaa rasaastii la adeegsaday dabaa-deggan waxaa ku dhaawacday dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay ilaa 10-qofood ayey dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen rasaastii habeenkaas loogu dabaal dagayay xuska 60-guuradii xornimada gobolada Waqooyi, waxaana jirta warbixin laga soo aruuriyay xarumaha caafimaadka magaalada.

Isbitaalada Madiina iyo Darul Shifa ayaa laga soo xigtay in wadar ahaan 8 qofood loo keenay oo ay ku jireen canug yar iyo hooyo da’ ah, sidoo kalana taliska booliska ayaa qirtay in rasaasta la riday ay waxyeelo badan geysatay.

Dadka ugu badani waxey qabaan in rasaastaas ay rideen ciidamada dowladda, balse waxaa la ogyahay in hubka cid walba gacanta ugu jiro, islamarkaana aan la xaqiijin karin gacanta rasmiga ah ee dhibaatada geysatay.

“Dowladda waxaan ka codsaneynaa in dowladda ay xuska 1-da Luulyo aan la ridin xabado isla markaana la adeegsado bulaleer,” ayaa laga soo xigtay qof ka tirsan ehelka hooyo waayeel ah oo ay waxyeelo kasoo gaartay rasaastii la riday.

Casiisa Shiekh Cali ayaa lagu sheegay magaca hooyada ay dhibaatada soo gaartay waa 85-jir, waxeyna ku jirtaa xaalad culus maadaama ay xabadu kaga dhacday meel halis ah.