Sawirro: Ciidamada amniga oo rasaas ku kala eryey dad dhigayey dibad-bax looga horjeedo DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta kala eryey dad dhigayey dibad-bax oo isugu soo baxay taalada Daljirka Dahsoon oo ku taalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Dibad-baxa ayaa lagu soo warramayaa in looga soo horjeeday dowladda federaalka, gaar ahaan inay muddo kororsi sameysato.

Wararka ayaa sheegaya in dad kooban iyo qaban-qaabiyeyaasha dibad-baxasaas ay rasaas ku kala eryeen ciidamo ka tirsan kuwa amniga oo u tegay halkaasi, si ay uga hortagaan banaabaxaasi oo la sheegay inuu ahaa mid la soo abaabulay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online dibad-baxa ayaa hordhac u ahaa mudaharaadyo kale oo ay qorsheynayaan inay dhowaan mucaaraadka ka dhigaan magaalada Muqdisho.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana weli taalada Daljirka Dahsoon ku sugan ciidamada Booliska oo wata gaadiidka dagaalka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda olole siyaasadeed oo aad u xoogan. maadaama lagu guda jiro xilli kala guur ah, waxaana sidoo kale si aad ah la’isugu hayaa arrimaha doorashada dalka ee la filayo in la qabto dhammaadka sanadkan illaa 2021-ka.