Taliye Koofi oo ka jawaabay eedeyn ka timid xildhibaan ka tirsan golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah xildhibanada baarlamaanka ee Soomaaliya ayaa eedayn u soo jeediyay, laanta Socdaalka ee Dowlada Soomaaliya ee uu madax ka yahay Taliye Maxamed aadan koofi. 

Xildhibaanka ayaa sheegay in sanadkii hore mar uu ka soo dagaayay Garoonka Muqdisho, gar ahaan Qeybta Xalane uu la kulmay bahdilaad, waxa uuna sheegay in loo diiday in uu ka soo dago ama ka soo galo garoonka Qeybta Xalane, oo Pasaporka uu watay oo ahaa Diplomatic loo garaaco, waxa uuna sheegay in uu dhibaato badan kala kulmay arintaas.

Xildhibaan Liban ayaa sheegay in loo sheegay in arintaan ay ogtahay waaxda Socdaalka, taasina uu sheegay in uu Su’aal ka waydiinayo Taliye Koofi oo ku sugnaa kulanka baarlamaanka Soomaaliya.

Taliye Maxamed Aadan Koofi oo ka jawaabayay arintaas ayaa sheegay in halka uu ka soo dagay Xildhibaan Liibaan aysan ka Duulin Somali aysana ka soo Dagin, waxa uuna sheegay Taliyaha laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya koofi, in halkaas ay ka duulaan ama ka soo dagaan oo kaliya UN-ka iyo shaqaalaha u shaqeeya. 

“Waxaan xildhibaan liibaan u sheegaa, waan ka xumahay horta ma ogolin in Xildhibaanadeena lagu xad gudbo marka hore waxaysan mudneen la marsiiyo, mana u malaynaayo in sarkaal ka tirsan Hay’ada in uu ogolaanaayo taas, meeshaas waxaa ka soo daga oo kaliya UN-ka, markii la samaynaayay waxaa lagu sameeyay Duruuf iyo Heshiis waxaa loo ogoladay in ay ka soo dagaan ama ka baxaan ajaaniinta u shaqaysa UN-ka oo kaliya”ayuu yiri Taliye Maxamed aadan koofi oo su’aashaas ka shaafiyay ama uga jawaabay Xildhibaan liibaan oo aad u Caraysan.

“Meeshaas ma yaalo System qaban kara Pasaporka Diplomatic ah, waa sababta Xildhibaane sarkaalka kula hadlay uusan wax uga qaban Karin, VIP ayuu yalaa System- kaas Mara waxaan idinka codsanayaa xildhibaanada sharafta leh inaa intaas nala fahamtaan,” ayuu mar kale yiri Taliye Maxamed aadan Koofi oo in badan isku dayay in uu Qanciyo Xildhibaanada baarlamnaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale taliye Koofi ayaa su’aalihii la waydiiyay dhamaan uga jawaabay baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo ay aad ugu qanceen una sacbiyeen.

Taliye Maxamed Aadan Koofi ayaa taliye ka ahaa laanta Socdaalka iyo Jinsiyadahga Soomaaliya sanadihii ugu danbeeyay, waxa uuna wax badan ka badalay qabka loo maro sharciga oo awal ahaa ii fuuti, taasi oo aad loogu amaano taliye maxamed aadan koofi oo ah nin dhalinyaro ah sharci yaqaana ah, dalkana wax badan u qabtay  intii uu shaqaynayay Dowladihii iskaga Danbeeyay dalka. 

Sidoo kale Taliye Koofi ayaa intaas ku daray in uusan jirin System aqrin kara Pasaporka Somaliga oo yaala qeybaha ay ka duulaan UN-ka iyo meesha ay ka soo dagaan, taasi oo keentay in Xildhibaanka uu eedaynta u soo Jeediyo waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo uu Mas’uul ka yahay maxamed aadan Koofi. 

Cabdixakiin Cilmi Xasan
Cabdixakiin441@hotmail.com

Tell-+254-711830393
Nairobi Kenya