Mid ka mid ah xildhibaanada kulanka ka qeyb-galay oo lagu magacaabo, Maxamed Xasan Idiris ayaa ka warbixiyey waxyaabihii laga wada-hadlay.

Waxaan Kulan kala warqaadasho iyo is-xog wareysi la qaadaney Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubballand anagoo ka kooban Xildhibaanada Labada Aqal BFS ku matala DG Jubballand ee ku sugan Dhuusamareeb, waxaan iska xog wareysaney Xaalada guud ee dalka uu marayo, wuxuu dhamaan Xildhibaanada Jubbaland ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu ku nuux nuuxsadey inuu Xildh: ku marti qaaday Inay Dib ugu Soo laabtaan Jubbaland si looga wada tashado Arimaha masiiriga ah ee dalka.“ ayaa yiri xildhibaan Maxamed Xasan Idiris.

Kulamadaan gooni-goonida ah ayaa ku soo aaadaya xilli weli la’isku fahmi la’yahay shirka magaalada Dhuusamareeb ee u dhexeeya madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ee ka jira dalka.