Farmaajo oo amr deg deg ah siiyey xukuumadda Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ku baaqay in si wadajir ah loogu gurmado qoysasku gobolka Shabeellada Hoose ee wabigu ku fatahay, gaar ahaan degmada Afgooye.

“Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka walwalsan nolosha qoysaska ku dhibaateysan degmada Afgooye iyo guud ahaan Shabeelaha Hoose ee uu ku fatahay Wabiga Shabeele ayaa ku baaqay in wadajir loogu istaago sidii loo samatabixin lahaa dadkeena dhibaataysan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sida lagu sheegay warkan, Madaxweynaha ayaa tilmaamay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadka Wabiga Shabeele, isaga oo faray Xukuumadda in ay degdeg uga howlgasho ka jawaabidda iyo maareynta musiibadan.

“Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan uga qayb qaadan lahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee ay soo food-saartay dhibaatadu. Dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa kunool magaalooyinka uu maro wabiga Shabeelle, waxaan ugu baaqayaa in ay ka taxadaraan fatahaadaha, maadaama lagu guda jiro xilli roobaad” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa bogaadiyey “Gurmadka iyo is-garab istaagga ay isu muujiyeen dadka deegaanka, taas oo kaalin mugleh ka qaadatay samata-bixinta nafeed ee qoysaska iyo dadkeenna nugul ee degmada Afgooye.”

Warkan ka soo baxay Villa Somalia, waxa uu ku soo aadayaa iyadoo maalmihii u dambeeyey ay fatahaadihii ugu cuslaa ku dhufteen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose iyo deegaano kale oo hoos taga,

Sidoo kale boqolaal qoys oo ku noolaa Afgooye ayaa u hayaamay dhulka howdka ah ee wabiga ka fog, waxayna biyuhu harqiyeen dhamaan magaalada.

Sidoo kale inta badan magaalooyinka uu wabiga Shabeelle ka maro gobolka Shabeellada Dhexe ayaa wajahaya fatahaado xoog leh oo wabigu uu sameynayo, waxayna guryahoodii biyo ka saareen boqolaal qoys oo gurmad dalbanaya, balse laguma xusin baaqaan soo dahay ee madaxtooyada ka soo baxay.