Abiy Ahmed oo shaaciyey war culus oo la xiriira biyo-xireenka xiisadda dhaliyey

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhowaaqay in dalkiisa, Masar iyo Sudan ay “is-faham weyn gaareen, taasi oo dhabbaha u xaareysa heshiis rasmi ah” oo laga gaaro biyo-xireenka xiisadda culus ka dhaliyey gobolka.

Bayaanka xalay kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed ayaa yimid ayada oo muuqaallo lagu qaaday satellite-ka ay muujinayaan in heerka biyaha ee biyo-xireenka ay gaareen meeshii ugu sarreysay muddo afar sano ah.

Itoobiya ayaa sheegtay in biyo buuxa ay ugu wacan tahay roobab xooggan oo da’ay, waxaana bayaanka Abiy lagu sheegay “inay caddahay in labadii toddobaad ee tegay ee xilli roobaadka ay ku guuleysteen buuxinta sanadka koowaad ee biyo-xireenka.”

Itoobiya waxay hore sheegtay inay si rasmi ah bishan u billaabi doonto buuxinta biyo-xireenka xitaa haddii aan heshiis la gaarin. Hase yeeshee bayaanka Abiy ayaa lagu sheegay in hogaamiyeyaasha saddexda dal ay isku raaceen inay wada-xaajood farsamo oo dheeri ah ka yeesheen buuxinta, una dhaqaaqaan gaarista heshiis buuxa.”

Itoobiya ayaa sheegtay in biyo-xireenkan uu yahay fursad 100-ka milyan ee qof ee dalkaas ku nool looga saaro saboolnimada, ayada oo Itoobiya ay noqoneyso dalka ugu weyn qaaradda Afrika ee dhoofiya korontada.

Hase yeeshee Masar oo inta badan ay dadkeeda ku nool yihiin biyaha webiga Nile ayaa biyo-xireenka ku sheegtay inuu halis ku yahay.

Masar iyo Sudan midna kama jawaabin warkan cusub ee xalay kasoo baxay Abiy Ahmed.

Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran