Dowladda Libya oo si carro leh uga jawaabtay go’aankii baarlamanka dalka Masar

Tripoli (Caasimada Online) – Dowladda caalamku aqoonsan yahay ee dalka Liibiya ayaa si adag uga fal-celisay go’aankii baarlamaanka dalka Masar uu awood dheeriya ku siinayey madaxweyne Al-Sisi.

Baarlamaanka Masar ayaa dhawaan ansixiyey in madaxweyne Al-Sisi uu ciidamo u diri karo dalka Liibiya, marka uu u arko inay munaasib tahay qaadista tallaabadaasi millateri.

Fathi Bashaga, Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda caalamku aqoonsan yahay ee dalka Liibiya ayaa si weyn arrintaasi u cambaareyay, isagoona ku tilmaamtay tallaabo ay Masar ku iclaamineyso dagaal.

Wasiirka ayaa waxa kale oo uu sheegay in dowladdiisu ay go’aanka baarlamaanka Masar u aragto mid duulaan ku ah qaranimada Liibiya, maadama ciidamo shisheeye dalkooda la keenayo.

Fathi Bashaga ayaa sidoo kale xusay in tallaabada Masar ay ciidamo ku geynayso daanta galbeed ay tahay mid ku xad-gudbeysa xeerarka Jaamacada Carabta iyo Qaramada Midoobay.

Wasiirka ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, kaasi oo u dhigna sidan “Ansixinta baarlamaanka Masar ee go’aanka ciidamada loogu dirayo meelo ka baxsan xuduudahooda galbeedka waa iclaaminta dagaal ka dhan ah Libya, waxayna xad-gudub ku tahay xeerarka Jaamacada Carabta iyo UN-ka”.

Dhawaan unbey aheyd markii Baarlamaanka Masar uu ansixiyey in madaxweyne Al-Sisi uu awood u leeyahay inuu ciidamo u diro dalka Liibiya, haddii ciidamada Turkiga uu taageerayo ay u dhaqaaqan qabsashada Sirte, taasi oo dab kusii daareysa xiisada ka taagan Liibiya. 

Al-Sisi ayaa ansixintaasi kadib awood buuxda u yeeshay inuu ciidamo u diri karo Liibiya, isla markaana uu faro-gelin millateri oo ka dhan ah Turkiga uu ka qaado dalkaasi,  taasi oo si weyn uga biyo diidan tahay dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Liibiya.

Baarlamanka Masar oo meel mariyey in ciidan la geeyo Libya xilli ay ishayaan Turkey