Baarlamanka Masar oo meel mariyey in ciidan la geeyo Libya xilli ay ishayaan Turkey

Qaahira (Caasimada Online) – Baarlamanka Masar ayaa Isniintii meel-mariyey suurta-galnimada in ciidamo la geeyo meelo ka baxsan xuduudaha dalka, kadib markii madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi uu ka hadlay inay dhici karto in howlgal militari ay ka fuliyaan dalka Libya.

Sharci dejiyayaasha ayaa ansixiyey “u dirista xubno ka mid ah ciidamada militariga howlgallo dagaal oo ka baxsan xuduudaha Masar, si amniga qaranka looga difaaco maleeshiyooyinka hubeysan iyo unugyada argagixisada caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay baarlamanka.

Cod bixintii dhacday Isniintii ayada oo baarlamanka ay albabaabada u xiran yihiin ayaa xubnaha waxay kaga doodeen “halista dalka uga imaneysa” dhinaca Galbeed, halkaasi oo Masar ay xuduud kula wadaagto Libya.

Cod bixinta ayaa timid maalin kadib markii madaxweynaha Masar uu la kulmay Golaha Difaaca Qaranka, oo ay ku jiraan afhayeenka baarlamanka, wasiirka difaaca, wasiirka arrimaha dibedda, iyo taliyeyaasha ciidamada.

Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa sheegay in Masar “asyan la hari doonin wax dadaal ah si ay u taageerto Libya” waxayna ku ku celiyeen sida ay uga go’an tahay in la helo xal siyaasadeed oo lagu xalinayo xasaradaha ka taagan dalkaas.

Madaxweyne Sisi ayaa horey uga digay in ku siqitaanka ciidamada dowladda Libya ee magaalada Sirte ay ku qasbi karto in militariga Masar ay faro-geliyaan dalkaas.

Dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Libya ayaa taas ku qeexday “iclaamin dagaal”.

Masar ayaa ayada oo ay wehliyaan Imaaraadka Carabta iyo Ruushka waxay taageertaa ciidamada uu hoggaamiyo Jeneral Khalifa Haftar, halka dowladda Libya ay taageero ka hesho Turkiga iyo Qatar.