Muuse Biixi oo shaaciyey in aysan aqbali doonin ciidanka lagu daabulayo Badda Cas

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad u jeedinayey ciidamo loo soo xiray tababar ayaa ka hadlay arrimo ku aadan Badda Cas, gaar ahaan ciidamada shisheeye ee lagu soo daabulayo biyahaasi.

Muuse Biixi ayaa sheegay in aysan aqbali karin in ciidamada ajnabiga ah ee haatan lagu soo daa-gureeyo biyaha Badda Cas.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan jirin cid ka iyaga ka mudan, islamarkaana uga xog ogaalsan ilaalinta biyahaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamada Shisheeye ee lagu gurayo Badda Cas innaga ayaa ka mudan sugidda Amniga oo uga xog ogaalsan, qof kasta oo nala shaqeysanaya diyaar ayaan u nahay, mana ogolaaneyno wax aan dan inoo ahayn, mana ku baqaneyso cidbaa xoog weyn iyo Taanki ayuu wataa”. ayuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Biixi yaa xusay in Somaliland ay leedahay ciidamo tababar fiican heysta iyo qalab, islamarkaana ku filan inay ilaaliyaan isticmaalka biyaha caalamiga ah.

“Somaliland waxa ay leedahay Ciidamo tababar qaba, heysta agab ay ku howlgalaan si ay u ilaaliyaan nabadgalyada isticmaalka Biyaha Caalamiga ah iyo in uusan go’in isu socodka Maraakiibta iyo Doomaha” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Si kastaba ha’ahaatee hadalka Biixi ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan Turkiga loo caleema saaray inuu la wareego hoggaaminta howl-galka ka dhanka ah kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida iyo ilaalinta nabad-gelyada Maraakiibta caalamiga ah.