Aaway hogaankii Mudulood?

Beryahaan waxaa aan ka maqalnaa warbaahinta shirkii Mudulood oo baaqday khilaaf soo kale dhex galay hogaanka darteed. Hogaanka siyaasadeed ee Mudulood qaar ka mid ah waxaa ay muujiyeen dhaqan aanan wanaagsaneeyn iyagoo awood saa’id ah oo ay isbideen.

Bayaanka ah in “awooda badan” qofka waxaa ay ku abuurtaa kibir micno daro loma dhihin.

Si kastaba, haddii hogaamiyaasheena ay muuqato in aysan awoodin in ay xaliyaan kala duwanaashahooda siyasadeed, wax ay abuuri kartaa qalaase, iyo deganaasho la’aan oo dhamaanteen na saameyso.  Iyo qirasho in xaaladeena hogaan tahay mid aan dabooli Karin dhibaatooyinka aan wajaheyno.

Aniga ma ogi sidda qof wax uu u qabtay Mudulood jirin haddan uu ku noqon karo in uu hogaamiye is hor istaagi karo danaha Mudulood. In qof uu gaaro heerkaas waxaa ay u baahantahay howl badan iyo karti dheeri ah. Haddana iyada oo aysan taa jirin ayey shaqsiyadka qaar u saamaxday in ay hoggaamiyaal dhaqan xun Mudulood horumarkiisa hor joogsadaan noqdaan. Isla weyni iyo quursi dadka kale waa astaamaha ugu weyn ee uu leeyahay hogaamiye xun.  Tusaalooyin hogamiyaal xun waa ka dheregsanahay, sidda in ay been noo sheegaan, na yasaan, isla markaana tixgelin danaha Mudulood soomali weyn dhexdooda.

Wax qabadka hoogaamiyaha leeyahay waxa ay ka muuqata sidda u dhaqmo. Haddii uu isula muuqdo in uu yahay qof wanagsan, dhaqan suubana leeyahay dadkiisa waxaa uu ula dhaqmaa uu ka wakiilka yahay ama hogaamiyo si  naxariis leh. Laakin iyadoo ay siddaas tahay hogaamiyahana isu heysto in uu wanaagsan yahay ayey ka muuqan kartaa in uusan tixgelin siin dadka uu hogaamiyaha u yahay. Tan oo astaan u ah ku takri fal awood iyo hogamin daciif ah.

Xaalada murugada leh ee siyasadeed, mujtamac, dhaqaale iyo bii’adeed ee uu ku sugan yahay guud ahaan Mudulood iyo khaas ahaan Abgaal waxaa u sabab ah hogaamiyaal siyaasadeed ee fashilmay.

Hogaamiyaasheena siyaasada waxaa ay sabab u noqdeen in Mudulood kaliya la canshuuro loona ogolaan matalaad siyasadeed, waxaa ay ogoladeen in dadkeena har iyo habeen la xasuuqo is weydiin la’aan, degaanadeeda wax adeegyo bulsho lahayn. In aysan dadka ay matalaan heysan shaqo, waxbarasho iyo howlo xaafimaad midna.In dowladi dhexe ee iyaga martida u ahay ka hor istaagto in shaqo ka helaan. Taas waxaa sii dheer in dad wax howl ah oo ay u hayaan umadda Soomaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan dadka Muqdishu canshuurta laga qado, ku jiifaan hotelada magaalada muqdisho.

Waxaase nasiib daro in Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh waqtigii ay xukunka haayeen u diideen in Xamar maqaam iyo matalaad siyasadeed yeelato ayna arrintaan u sameeyeen in ay ku qanciyaan hogaanka dowlad gobaleedka Puntland. Waxaase ka sii daran in uu madaxweyne Farmajo siiyay Xamar wixii ay hogaamiyaasheena u diideen.

Su’aasha waxaa ay tahay ma og yihiin hogaamiyaasheena waxa Mudulood uu ka sugaayo am ka filanaayo? Siddee ayeysa tahay in shacabka Mudulood ka yeelo hogaamiyaashooda haddi aysan ka soo bixin mas’uuloiyada laga sugayo? Siddee ayey ku dhacday in hogaamiyayaasheena u dhaqmaan siddi ay rabaan iyadoo wax weji xumo ka soo gaarin?  Su’aalahaan dhamaantood waa in la’is weydiiyaa haddii la rabo horumar gaaaro Mudulood.

MAXAAN KU QEYMEYNAA HOGAANKEENA?

Waxa loo bahan yahay waa in uu Mudulood yeesho xeer qeexayo mas’uuliyada iyo waajibaadka laga rabo qof matalayo qabiilka. Hogaamiyaasha dhaqanka waa in ay kula xisabtami karaan hogaankooda siyaasadeed wax qabadkooda. Ma ahan in uu Mudulood isaga jiro xaalad hogaamiyaal sheeganayo in ay matalaan hadda cidna daba gasho jirin,  oo ay sameeyaan wixii ay doonaan iyagoo fiirsanaayo dantooda oo kaliya, laakin waxba ka soo qaadin danta guud ee Mudulood oo ay matalaan.

Haddii hogaamiyaasheena dhaqanka iyo civil societigeena ka aamusaan siyaasiyiinteena xaaladena in ka sii xumaato  ma hane kama soo fiicnaneyso. Hogaaamiyaha dhaqanka marka uu u istaaqo danta dadka uu wakiilka ka yahay sidda ugaaska sameeyay marki la rabay in Xamar 4.5 lagu qeybsado kuraasteeda, waxaa uu ka helay sharaf iyo qadarin ay u hayaan dadka uu hogaanka u yahay. Sidda oo kale ayaa looga baahan yahay hogaamiyaasha dhaqanka Mudulood xaqa shacabkoda leeyahay in ay  difaacaan. Hogaamiyaasheena siyaasad iyo dhaqanba waa in ay dadka ay hogaanka u yihiin uga warbixiyaan xaalada jirto. Kana talo qataan oo dhegeystaan waxa ay tabanayaan dadkooda. Ka dib, marka talo la’isla wadaago warbixinana la isdhaafsado ha gaareen go’aan, maadama ay iyugu yihiin cidda hogaanka leh.

TALADA MUDULOOD WAA IN AY U DHAXEYSAA DHAMAAN.

Waxaa jirto oraah dhaheyso “aqoonta waa awood”, dadka haddii ay isla wadaagaan wixii ka wada dhaxeeyo oo aysan isku koobin qolo yar oo iyada is wacatay waxaa ay  dhalinee is aaminaad iyo in qof walba waajibka laga rabo ka soo baxo. Haddii laakin wax la isla leeyahay la kala qarsado waxaa ay keenee xalool xumo. Waxaana isku koobidaas u sabab noqonee fashil iyo danti guud oo dhunto. Haddii shirka lagu dhawaaqay yahay mid lagu rabo in lagu helo midnimo lana xaliyo dhibaatooyinka badan ee uu waajahay Mudulood waa in gogosha la balaariyo oo uu noqdaa sidda midki hadda ka hor 90meeyadii muddulood ku midoobeen dhibkii waqtigaa jirayna ku xalisteen. In wax la isu sheego la’isla socodsiiyo Muduloodna la wada gaarsiiyo waxaa ay sabab u noqonee in Mudulood gacmaha is qabsadaan.

MAXAAN KA FILAN KARNAA SHIRKA MUDULOOD?

Waxaa hadda loo fadhiyaa shir looga hadlayo mustaqbilka soomaliya magaalada Dhuusomareeb, Mudulood oo ah qabiilka ugu weyn soomaliya magaaladiisana saldhig u ah dowladda soomaliya cid ku matasho ma joogto.

Aniga waxaa ay ila tahay in Mudulood iyo khaas ahaan Abgaal gaareen meshi ugu hooseysay ee ay gaari la’hayeen. Mana iila muuqato in tan meel ka sii xun gaari karaan.

Shirkaan waa in uu noqdaa kii hurdada dheer ee uu Mudulood ku juro ka kicin la’haay, haddii sidda aan kor ku soo xusay loo abaabulo. Meeshi ugu xumeed haddii ay dhaqaalo, siyaasad, waxbarasho iyo degaanba gaarnay waa in aan hadda isku daynaa in ka soo kacno oo bilaawno in xaaladeena guud wanaajino.

Muddo badan waxaa aan ka shaqeeynay iyadoon wax abaal ah noogala heyn danta guud ee dalka iyo dadka. Lakin manta waa in ka shaqeeysno danteena ugu horreeyn ka dibna danta wdanka.

Dr. Mohamed Hassan Tifow waxaad kala xiriir kartaa mxtifow@yahoo.co.uk 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid