Puntland oo shaacisay inay saraakiil ajnabi ah iyo kuwa Somali ah ka dishay Daacish

Garoowe (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Puntland ayaa waxaa lagu faah-faahiyey dagaal ay dagaalyahanada kooxda Daacish kula galeen deegaanada Tuurmasaale iyo Camayra ee Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkaasi oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka u tababaran ee PSF lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxdaasi.

Sidoo kale warka ka soo baxay Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha la dilay ay ku jiraan saraakiil isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib oo uu ka mid yahay sarkaal sare oo kooxda Daacish u qaabilsanaa tababarada, xiriirka caalamka, iskuna xiri jiray Daacishta Soomaaliya iyo kuwa ka dagaalama caalamka kale, Soomaaliyana joogay illaa 2014-kii.

Waxa kale oo warka lagu sheegay inuu mas’uul ka ahaa dilal iyo qaraxyo ka dhacay deegaanada maamulkaasi.

“Wuxuu masuul ka ahaa dhib badan oo ay kooxda Daacish u geysteen shacabka Soomaaliyeed sida dilal,qaraxyo iyo dhibka ugu weyn oo uu hadda ku hayey dadka reer guura ah ee degaanadaas isaga oo xoolahooda xoog kaga qaadi jirey isla mar ahaantana u diidi jirey reer guuraagu in ay xoolaha daaqsadaan qaybo ka mid ah dhul daaqsimeedka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Ciidamada maamulka Puntland.

Kooxda Daacish ayaa ku xoogan dhulka buuraha ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka soo abaabulaan inta badan weerarada ay ka fuliso deegaanada maamulka Puntand.