Warbixin: Maxaa dhici doona haddii lagu kala tago shirka ka socda Dhuusamareeb?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa weli la isku mari la’yahay wada-hadallada ka socda  Xarunta madaxtooyada Galmuudg ee magaalada Dhuusamareeb ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada.

Sida aan xogta ku helnay waxay badan tahay in wax heshiis ah oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka aan lagu gaari doonin Dhuusamareeb, sababtuna ay tahay ayada oo dhinacyada ay ku adkeysanayaan mowqifkooda.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu diidan yahay inuu ka tanaasulo doorasho qof iyo cod ah, madax goboleedyadana waxay ku adkeysanayaan doorasho dadban, taasi oo xaaladda ka dhigtay mid cakiran.

Haddaba haddii la kala tago maxaa xiga?

Maxamed Maxamuud Cadde, oo ah weriyihii hore ee BBC ayaa sheegay haddii lagu kala tago shirka Dhuusamareeb in uusan jiri doonin shir kale oo ay yeelan doonaan dhinacyadu haddii aan la saarin culeesyo dibadd ah.

Maxamed Maxamuud Cadde, ayaa sheegay in xaalad aad u adag ay ka taagan Dhuusamareeb islamarkaana aysan jirin tanaasul ku saabsan qodobada la isku haayo.

“Haddii aysan dhinacyadu isu tanaasulin oo shirka lagu kala tago, waxaa dhici karta in hay’adaha dowladda wadashaqeynta joojiyaan, maamul gobaleedyada degaanadooda xirtaan waana halis,” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Cadde oo ah falanqeeye arimaha siyaasadda.

“Madaxda dalka waxaa la guddoon tanaasul iyo dabacsanaan, kuwa maamulada sidoo kale, balse waxa laga soo sheegaya dhuusamareeb xaalad aan lagu farxin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Maxamed Maxamuud Cadde.

Sidoo kale qaar kamid ah falanqeeyaasha arrimaha siyaasada ayaa sheegay in haddii shirkaan lagu kala tago ay faraha ka bixi doonto talada madaxda dalka oo loo yeerin doono go’aan ay gaareen beesha Caalamka.

Lama oga sida uu noqon doono natiijada Shirka hase yeeshee waxaa la soo sheegayaa in la soo mari la’yahay shirkaasi.