DF oo dad badan u xirtay qal-qal gelinta imtixaanaadka shahaadiga ee dugsiga sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka waxbarashada Somalia, Cabdullahi Goodax Barre oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada oo ku aadanaa imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaadeyso wasaaraddiisa.

Goodax Barre ayaa sheegay in muuqaaladaasi kuwa been abuur ah oo laga leeyahay dano siyasadeed, islamarkaana la doonayo in lagu qal-qal geliyo imtixaanka.

Wasiirka ayaa xusay in dadka sameeyey falkaasi ay doonayaan inay niyad jabiyaan ardayda iyo waalidiinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuuxuu tilmaamay inay arrintaasi loo xiray dad badan oo lagu eedeeyey inay ku howlanaayeen sidii loo carqaladeyn lahaa imtixaanka dugsiyada sare ee dalka.

Halkan hoose ka aqriso:

Waxaan baraha bulshada ku arkay muuqaal been abuur ah oo dano siyaasadeed laga leeyahay si loo qal-qal-geliyo imtixaanka Qaranka ee Dugsiga Sare, isla markaana lagu marin habaabinayo carruurta Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada.

Waxaan horay u soo xer-xernay dad faro badan oo ku howlanaa qal-qal-gelinta imtixaanka. Waxaan sidoo kale si adag ula xisaabtami doonna dhammaan dadka caadeystay in ay imtixaanka siyaasadeeyaan.

Waxaan ka codsanayaa dhammaan ubaxa ummadda Soomaaliyeed ee qiimaha badan in aysan saameyn ku yeelan dadka u istaagay in ay idin niyad jabiyaan, waxaa tihiin mirihii dalkaan, waxaana idin rajeynayaa birrito oo ah maalintii u danbeysay imtixaanka in ilaahay idin fududeeyo.

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan howlwadeennada imtixaanka sida ammaanada leh ee aad waajibaadkiina Qaran u gudaneysaan.