Faroole: Xagee looga hadlaa Af-Turki, barta Amxaariga iyo Kenyanka iyagaa anfac leh

Garoowe (Caasimada Online) – Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Somalia ayaa weeraray nidaamka waxbarasho ee dowladda federaalka isagoona difaacay nidaamka waxbarashada Puntland oo uu tilmaamay in uu yahay mid caalami ah oo dowladdaha caalamka qaar aqoonsan yihiin shahaadada waxbarasho ee Puntland.

Mudane Faroole ayaa sidoo kale mar uu ka hadlayay arday reer Puntland oo imtixaanaadka ku galay Muqdisho waxa uu meesha ka saaray jiritaanka arrintaasi oo wasaaradda waxbarashada DFS horay ugu dhawaajisay, isagoona tilmaamay in hadii ay jirtana ay yihiin 600 arday oo uu ku sheegay kuwo ceebeysan oo meel nidaam ka dhisan ka tegay.

“Hadii ay jirto waa 600 ceebeysan oo meel nidaam dhisan ka tegay oo meel aad arkeyseen, waxaan arkaayey muuqaal imtixaan la xaday oo la isku gud-gudbinaayo oo meel walba la isku dir-diraayo, marka wax sax ah nin ka tagay oo wax qalad ah qaatay ma gyro, nidaam diid-waaye waxaasi federaal diid-waye ha dhageysanina,” ayuu yiri Faroole.

Ardayda Puntland ayuu ku booriyay inay dhabarka adkeystaan oo ay ku kalsoonaadaan maamulkooda, isla markaana waxbarashada dibadeed ay u aadaan dalalka jaarka sida Kenya iyo Itoobiya oo uu tilmaamay in luuqadahooda ay anfac leeyihiin, halka dalka Turkiga  oo ardayda Soomaaliyeed intooda badan waxbarashada u aada uu ku tilmaamay luuqad aan anfac laheyn oo caalamka meel looga hadlo jirin.

“Sabab ayaad u aadeysaa Turkiga, ninka Turkiga aadayo xagee looga hadlaa af-turki, waabaa tegay Turkiga, wallaahi hal tabeella oo Af-carabi ama English ku qoran maan arkin, waxaa ku yaal wax dhibco badanoo aan la kici karin, aada meelaha tacliintooda sar-sareyso ay ka mid tahay Kenya iyo Itoobiya, waxaad baraneysaan luuqado kale oo Sawahili oo Africa oo dhan looga hadlo, Somalia, Kismayo iyo Jubooyinka waa looga hadlaa, Itoobiya xitaa waa dal weynoo Amxaariga hadaad barato qariib ma noqoneysid,” ayuu yiri Faroole.

Sababta uu Senator Faroole macno daro ugu tilmaamay luuqada Turkiga iyo waxbarashadiisa sareyso ayaa qeyb ka ah khilaafka waxbarasho ee DFS iyo Puntland, iyadoo Turkiga ay aqoonsan tahay oo kaliya shahaadada dowladda federaalka.