Daawo: Mahdi Guuleed oo shaaciyey arrin madaxweyne Farmaajo ku howlan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha xilka ra’iisul wasaare Mahdi Maxamed Guleed ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Nabad iyo Nolol ee madaxweyne Farmaajo ee inta ka harsan muddo xileedkeeda ay juhdi iyo xoog badan gelin doonto sidii maqaamka magaalada Muqdisho loo hirgelin lahaa loona dhameystiri lahaa.

Mudane Mahdi Guuleed ayaa sheegay in guul weyn ay tahay in go’aanka ansixinta baarlamaanka ee 13-ka xubnood ku yeelanaya Aqalka Sare uu markii horeba ka timid codsi madaxweyne, haddana ay ka shaqeynayaan sidii madaxweynaha uu u saxiixi lahaa, lana sugaayo saxiixa madaxweyne Farmaajo oo mudo bil iyo bar ah uu sharcigaasi horyaalo si uu u saxiixo.

“13-ka xubnood ee gobolka Banadir ka helay aqalka sare dhammeystirkiisa waa ay hirgaleysaa, waana fuleysaa, madaxweynuhuna waa meel marin doonaa, inta dowladda Nabad iyo Nolol mudo xileedkeeda ka hartay waa ineynu si wada jir ah ugu wada shaqeynaa, saaxiibkeey walaalkeey Mahad Salaadna si wada jir ah ugu shaqeyneynaa hirgelinta maqaamka caasimada Muqdisho, barbarkeey ka baxdaa waa bakeyle galeen,” ayuu yiri Mahdi Guuleed oo ka hadlayay munaasabad maamulka gobolka Banaadir kula wareegayay Waxbarashada Gobolka Banaadir oo ay horay u maamuleysay Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Kooxaha mucaaradka ee xildhibaanada ka tirsan iyo kuwa xisbiyada siyaasadeed ayaa horay ugu dhaliilay madaxweyne Farmaajo in xeerkii baarlamaanka meel mariyay ee 13 xubnood gobolka Banaadir uu ku yeelanayo aqalka sare in mar hore loo gudbiyay si uu u saxiixo, balse uu ka gaabiyay inuu qalinka ku duugo.