Madaxweyne Qoor Qoor oo WAR cusub kasoo saaray SHIRKA Dhuusamareeb 3

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor,) oo haatan ku sugan dalka Turkiga ayaa munaasabad soo dhoweyn ah oo loo sameeyey wuxuu uga hadlay qabsoomida wejiga saddexaad ee shirka magaalada Dhuusamareeb.

Qoor-Qoor ayaa shaaciyey in shirka uu ku dhici doono waqtigii loo asteeyey oo ah 15-ka bishan August ee 2020-ka.

Sidoo kale wuxuu ka digay in la fashiliyo shirkaasi, isaga oo xusay in loo baahan yahay in laga fogaado wax kasta oo keeni karo inuu burburo shirkaasi.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale shacabka uga mahacadceliyay doorka ay ku leeyihiin shirkaas iyo sida ay ugu diyaar garoobayaan.

“Shirka waqtii lagu ballamay ayuu ku dhacayaa, ilaa haatan ma heyno waxyaabo keeni kara in uu dib uga dhaco xiliga qorshuhu yahay, waxa aan bogaadinayaa kaalinta Dadka Galmudug gaar ahaan Shacabka Magaalada Dhuusamareeb oo martigeliyay Madaxda iyo xubnaha la socday” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Qoor-Qoor.

Shirka Dhuusamareeb ee u dhexeeya madaxda dowladdda iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa ka duwan shirarkii hore, maadaama la riday Musane Xasan Cali Khayre oo door ku lahaa shirarkaasi

Sidoo kale shirka ayaa ku soo aadaya, xilli uu sii dhamaanayo muddo xileedka dowladda, islamarkaana lagu jiro marxalad adag oo kala guur ah.