DENI oo dalab deg-deg ah u diray dowladda JABUUTI

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni ayaa ka dalbay dowladda Jabuuti inay si deg-deg ah ugu soo dirto qalab lagu nadiifiyo dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi, sida ay sheegayaan warar hoose oo soo baxaya.

Deni ayaa xiriir dhanka taleefanka ah la sameeyey maareeyaha dekedda Jabuuti, wuxuuna ka codsasay inuu soo gaarsiiyo taag iyo ciid saar, si loo nadiifiyo aaga ay ku soo xirtaan maraakiibta.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in maareeyuhu u sheegay inuu artintaasi la wadaagi doono madaxda dalkaas, kadibna ay u soo diri doonaan qalabka, weliba maalmaha soo socda.

Todobaadkii la soo dhaafay ayey aheyd markii markab waday ganacsiyo kala duwan ay ku dhegtay ciid, isaga oo doonayey inuu ku xirto dekedda Boosaaso, kaas oo ku dhowaaday inuu soo caariyo.

Si kastaba ha’ahaate arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dood badan ay ka taagneyd dekeddaas, tan iyo markii ay la wareegtay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta, mana jirto illaa iyo hadda wax hormarin ah oo dekedda ay ku sameysay shirkaddaasi oo horey looga mamnuucay Soomaaliya, kadib go’aan ka soo baxay baarlamaanka federaalka Soomaaliya.