Natiijo horudhac ah oo laga soo saaray baaritaanka weerarkii ka dhacay Guriceel

Guriceel (Caasimadda Online) – Laamaha amniga degmada Guriceel ayaa gudoomiyaha iyo xubnaha kale ee maamulka warbixin hordhac ah ka siiyay hawlgal ay sameeyeen kadib markii bam gacmeed lagu tuuray guri uu dagan yahay sarkaal ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya.

Cabdullaahi Cabdi Raage oo ah sarkaalka gurigiisa la weerary kana tirsan Nabad sugidda Soomaaliya ayaa baaritaanadii la sameeyay lagu soo gudbiyay natiijo hordhac ah.

Gaashaanle Daahir Faarax oo ah taliyaha booliska degmada Guriceel ayaa sheegay iney gacanta ku hayaan dad la tuhunsan yahay iney ka dambeeyeen weerarkaas, sidoo kalana ay gacanta ku dhigeen gaadiid.

Taliyaha wuxuu sidoo kale sheegay iney rajeynayaan dhawaan iney soo bandhigaan dadkii kiiskaas ku lug lahaa, maxkamaddana hor keeni doonaan.

Hoos ka dhageyso codka taliyaha booliska degmada Guriceel