DF iyo maamul goboleedyada oo heshiis ka gaaray qodob ay aad isugu hayeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulada dalka ayaa maanta markale gaaray heshiis cusub, kaasi oo ku saleysan qaabkii ay u kala qeybsan lahaayen dakhliga dalka, oo ah mid ka mid ah qodobadii ay aadka isugu hayeen.

War-murtiyeed kasoo baxay shir bileedka Wasiirada maaliyada dowladda iyo kuwa maamulada dalka ayaa is-afgarad looga gaaray qaab cusub oo ka duwan midkii hore ee lagu qeybsan jiray dakhliga.

Shirkaasi u dhaxeeyay wasiirada maaliyadaha dalka ayaa sidoo kale waxa is af-garad looga gaaray ‘in si wanaagsan oo lagu wada-qanacsan yahay loo qeybsado dhakliga wadanka’.

Dowladda iyo maamulada oo uu qeyb ka yahay gobolka Banaadir ayaa guddi farsamo u saaray sidii looga xaqiijin lahaa heshiiskaasi cusub, oo dhigaya in qaab ka duwan kii hore lagu qeybsado dhakhliga, midaasi oo meesha ka saareysa guux ka dhashay arrintaasi.

Shirkaasi bilaha ah ayaa waxa kale oo diirada lagu saaray qaabka loo wadaagi lahaa dakhliga kabka miisaaniyada ee bankiga aduunka, kaasi oo ku aadana hoos u dhicii maaliyadeed ee uu sababay cudurka Coronavirus.

Waxaana si weyn la iskula lafo-guray intii uu socday shirkaasi qoddobo dhowr ah oo ay kamid yihiin hanaanka maaliyada dalka iyo canshuuraha.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedkaasi oo dhameystiran