K/Galbeed oo toogatay rag kufsi ka geystay Baydhabo

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka maamulka Koongur Galbeed ayaa lagu soo warramayaa in goor dhow ay toogasho ku dileen laba nin oo la sheegay inay dhowaan Kufsi ka geysteen gudaha magaalada Baydhabo ee caasimada gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in ragga la dilay oo dhowaan ay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen ay qirteen falka Kufsiga ah ee lagu soo eedeeyey, kadibna la toogtay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online toogashada ayaa timid, kadib markii ay raggan Kufsi kula kaceen wiilal yar-yar oo midkood la sheegay inuu geeriyooday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in ehellada wiilasha ay dalbadeen in cadaalada la horkeeno, kadibna sidaas lagu go’aamiyey in la toogto , iyadoo aan maxkamad la geyn.

Weli ma jiro wax faah faahin ah mas’uuliyiinta iyo saraakiisha laamah ammaanka ay ka bixiyeen toogashadaas iyo haddii ay maxkamad xukuntay ragga la dilay iyo in kale.

K/ Galbeed ayaa horey u shaacisay inay deegaanadeeda, gaar ahaan Baydhabo ay ku soo bateen falalka ka baxsan sharciga, sida Kusfiga iyo dhibaatooyin kale, waxaana toogasha ay fulisay ku micneysay inay uga hortageyso xad-gudubyada ka dhanka ah aadanaha.