Xog: Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sanado kadib kusoo wajahan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Shariif Xasan Sheekh Aadan, sidoo kalane ahaa Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, ayaa lagu wadaa in maalinta Khamiista ah dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.

Qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si hoose uga socoto magaalada Muqdisho, sida ay noo sheegeen siyaasiin iyo xubno kale oo muhiim ah.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dalka ka baxay bartamihii sanadkii 2018 kadib markii uu iska casilay xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana markaas saarnaa cadaadis xoog leh oo ay u geesteen mas’uuliyinta dowladda Soomaaliya.

Mudada ku dhaw saddexda sano ee Shariif Xasan Sheekh Aadan dalka ka maqnaa waxa uu ku sugnaa Nairobi iyo meelo kale oo ay qeyb ka tahay dalka Turkiga waxa uuna ahaa siyaasi afgaaban oo aan ka soo muuqan Warbaahinta.

Shariif Xasan, ayaa ka tirsan hogaamiyaasha Xisbiyada dalka waxa uuna saaxiib dhaw la yahay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Si rasmi ah looma oga socdaalkiisa hase yeeshee waxaa la aamimsan yahay in ay la xariirto arrimaha doorashada iyo waqtiga kala guurka ah ee uu dalka galay.