R/W Cusub: FARMAAJO oo ‘noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee jebiya’ soo jireen dastuuri ahaa

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ku sugan Dhuusamareeb ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimo ku aadan magacaabista Ra’iisul wasaaraha dalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ka hadlay arrimo Dastuuri ah, sida muddada magacaabida Ra’iisul wasaaraha iyo nidaamka 4.5, wuxuuna sheegay in labaduba aysan ku qorneyn Dastuurka,balse ay yihiin kuwa curfi iyo soo jireen.

”Dastuurka qodobbadiisa kuwana waa qoran yihiin, kuwa waa curfi iyo soo jireen. Tusaale ahaan, awood qaybsiga 4.5 ma aha qodob dastuuri ah oo qoran,” ayuu CC Shakuur.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Farmaajo uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee jebiya soo jireen dastuuri ahaa, maadaama illaa iyo hadda uusan macagaabi Ra’iisul wasaare, iyadoo ay ku qaaday in ka badan 30 cisho, welina uusan ku laaban baarlamaanka.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in Madaxweyne Farmaajo uusan aqbali karin xilligan inay dhammaatay afartii sano ee muddo xileedkiisu ahaa, balse wuxuu u soo jeediyey inuu magacaaba Ra’iisul wasaare dalka ka bixya marxaladda adag ee haatan lagu jiro.

”Madaxweyne Farmaajo in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyey ee jebiya soo jireenkii dastuuriga ahaa, waxey xoojineysaa dhaqankiisii dastuur ku tumashada ahaa. Waxey kaloo tilmaam ka bixineysaa ninkii 30 beri ixtiraami waayey, in aan laga sugaynin in uu aqbalo in 4-tii sano ka dhammaatay. Ninka aan dastuur ixtiraamaynin maxaa lagu aaminayaa in uu dhowro? Madaxweyne dastuurka ilaali oo magacow raysalwasaare dalka ka bixiya xilliga kala guurka.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadajir.

Hadalka siyaasgan ayaa ku soo aadaya, xilli weli Villa Soomaaliya looga fadhiyo magacaabida Ra’iisul wasaare cusub oo bedalaya Mudane Xasan Cali Khayre oo si lama filaan ah bishii la soo dhaafay ay ku rideen xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.