Taliye Xijaar oo isku dayey inuu sharciyad siiyo dhul laga boobay dad shacab ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya Cabid Xasan Maxamed Xijaar ayaa taageero siiyey dhulboob ka socda degmada Dayniile, halkaasi oo dhul laga boobay dad shacab ah la sheegay in laga dhigay garoon diyaaraddeed.

Xijaar oo ka hadlay degmada Dayniile, oo ay ku casuumeen maamulka degmada, si uu taagero u siiyo dhulka ay shacabka ka boobeen ee garoonka laga dhigay, ayaa ammaanay tallaabadaas, wuxuuna isku dayey inuu dhiiri-geliyo shacabka si ay u adeegsadaan garoonkaas, maadaama ay cabsi amni ka jirto.

Cabsida amni ayaa salka ku haysa dadka laga boobay dhulka oo ku hanjabay inay awood adeegsan doonaan si ay dhulkooda usoo ceshtaan, maadaama ay dowladda wax ka qaban weysay cabashadooda.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in dadkaas shacabka ah ay hadda ururinayaan ciidan iyo gawaari tikniko ah oo ay ku difaacdaan dhulkooda, waxayna ka digeen inay soo ridi doonaan diyaarad kasta oo garoonka la boobay soo caga dhigata.

Taliya Xijaar ayaa qalad weyn ku dhacay markii uu faro-gashtay arrintan, waxaana la rumeysan yahay inay qaldeen maamulka Dayniile, oo taageero kasta oo sharciyad siin ah u raadinaya dhulka ay boobeen, si uu ugu muuqdo mid sharci ah.

Qaar ka mid ah dadka dhulka laga boobay oo dhowaan la hadlay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhul ay leeyihiin la burburiyey, kadibna laga dhisay garoonkaasi.

Dadweynahan cabashada ah ayaa shaaciyey in dhulkaasi ay dacwaddiisu taallo gobolka Banaadir iyo maxkamadaha dalka, balse aan tabashooda aan weli waxba laga qaban.

Dhinaca kale waxay digniin u direen shirkadaha duulimaadyada, kadib markii diyaaraddii ugu horreysay ay Jimcihii ku degtay garoonka degmada Dayniile, iyaga oo tilmaamay in garoonkaasi uusan aheyn dhul ay leedahay dowladda Soomaaliya, balse xoog looga heysto.