Wararkii ugu dambeeyey qorshe ay beesha caalamka Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ku keeneyso Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa bilaabay abaabul xoogan oo ku aadan, sidii la’isugu soo dhoweyn lahaa madaxada dowladda dhexe, kuwa maamul goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed.

Warar lagu kalsoonaan karo oo soo baxaya ayaa sheegaya in beesha caalamka ay haatan wado kulan guud oo ka dhacaya Muqdisho, kaas oo dhinacyadaas ay uga wada-hadlaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahana arrimaha doorashooyinka ee 2020/ 2021-ka

Kulankan ayaa sida uu qorshuhu yahay waxaa diirada lagu saarayaa sidii wadajir looga wada-shaqeyn lahaa marxaladda adag ee kala guurka ee haatan lagu jiro.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in maalmaha soo socdo laga yaabo inay magaalada Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha maamullada Jubbland iyo Puntland oo qeyb ka noqonaya shirkaasi, si loo dhameeyo xiisada kala dhexeyso dowladda federaalka Somalia.

Waxaa sidoo shirka oo ah mid ballaaran ka qeyb-galaya siyaasiin kala duwan oo isugu jira mucaarad iyo muxaafad, kuwaas oo haatan qaarkood ku soo wahan dalka, sida Madaxweynihii hore ee Koonfur GalbeedSoomaaliya, Mudane  Shariif Xasan Sheekh Aadan

Abaabulka ugu xoogan waxaa wada safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya, Donald Yamamoto, kaas oo horey u dhaliilay qaabka ay wax u wadaan Axmed Madoobe & Deni.

Xaaladda siyaasadeed ee daka ayaa ah mid cakiran, kadib markii Dhuusamareeb lagu gaaray heshiis doorasho oo ay ka maqan yihiin Jubbaland, Puntland iyo saamileyda kale.