Madaxweyne WAARE oo shaaciyey u jeed laga lahaa dilka nin 100 jir ku dhowaa

Warsheekh (Caasimada Online) -Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa si adag uga hadlay dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Marxuum Nuur Macow Sireey oo da’diisa lagu sheegay 97 sano jir.

Waare ayaa sheegay in ayaan darro weyn ay tahay in Aano Qabiil loo dilay Oday da’ah oo aan galabsan wax dambi ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in u jeedada laga leeyahay dilkaasi ay tahay kaliya raadinta xumaan iyo in la soo cusbooneysiiyo dagaal dhex-mara dad walaalo ah.

Madaxweynaha maamulka HirShabelle ayaa sidoo kale amray laamaha ammaanka inay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyey dilka marxuumka oo maalin ka hor lagu dilay Maaxaay oo hoostaha degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ugu dambeyn wuxuu ka digay in dib loo soo cubooneysiiyo dagaal beeleedyo hor leh oo ka dhaca halkaasi.

Dhacdadan ayaa waxa ay si weyn u aragagax gelisay dadka deegaanka, waxaana si aad ah looga hadlay hayaa degmada Warsheekh iyo deegaanada ku xeeran.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ku soo laa-laabta dagaal beeleedyo u dhexeeyo dad walaalo ah, innkastoo muddooyinkii la soo dhaafay xaaladda gobolka ay aheyd mid yare degan.