Maxamed Bin Salman oo si deg deg u joojiyey kulan uu la yeelan lahaa Netanyahu kadib arrin soo shaac baxday

Washington (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman ayaa baajiyey safar la qorsheeyey inuu toddobaadka soo socdo ku tago magaalada Washington, si uu ula kulmo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, kadib markii uu ka cabsaday in warkaas la dusiyey, islamarkaana tegitaankiisa Washington uu noqon lahaa “qarow”, waxaa sidaas weriyey Middle East Eye.

Go’aan lagama gaarin in kulan uu noqon lahaa mid la duubo kadibna warbaahinta laga baahiyo, iyo inuu noqon lahaa mid toos ah oo warbaahinta ay goobjoog ay ka tahay.

Kuwa gadaal ka riixaya kulanka, oo ay ku jiraan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo wiilka uu sodogga u yahay ee Jared Kushne,r ayaa u arkay is-gacan qaad dhexmara labada nin mid wanaajin kara magaca Bin Salman, kana dhigi karay in loo arko hoggaamiye carbeed oo ka shaqeynaya nabadda, ayna xoojin kartay taageerada heshiiskii dhex-maray Imaaraadka iyo Israel.

Kulanka ayaa kadib laga soo saari lahaa bayaan ay waxyar un ka dhiman tahay in Bin Salman uu aqoonsado Israel, hase yeeshee si xooggan u tusmeyn lahaa in boqortooyada ay ku taagan tahay waddadii ay xiriir kula yeelan lahayd Israel.

Taariikhda kulanka ayaa la isku raacay sidoo kalena kooxda baratakoolka qaabilsan ayaa sii tegay Washington.

Bin Salman ayaa Washington iman lahaa 31-ka August kadib marka uu dhamaado kulanka xisbiga Jamhuuriga. Waxay noqon lahayd booqashadii ugu horreysay ee u uku tago Mareykanka tan iyo bishii March ee 2018.

Isaga oo aan dooneyn inuu tago safaaradda Sacuudiga ama qasriga safiirka, si aan loogu dibad-bixin haddiiba laga war helo, Bin Salman ayaa sii iibsaday afar guri oo loogu talo-galay kaliya booqashadiisa, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Middle East Eye.

Qorshahan ayaa burburay Sabtidii kadib markii Bin Salman uu helay warbixino sheegayey in safarkiisa la dusiyey. Shuruudda booqashadiisa ee uu Aqalka Cad la galay ayaa ahayd in kulanka uu ahaado mid 100% sir ah, islamarkaana la ogaado kaliya marka uu kasoo laabto caasimadda Mareykanka.

La-taliyayaashiisa ayaa is-tusay in haddii safarka sir ahaado aysan xubnaha congress-ka ee mucaaradsan heli lahayn fursad ay ku diyaariyaan bayaan ay ku cambaareynayaan, sidoo kalena kuwa u ololeeya inuu caddaalad helo Jamaal Khaashuqji iyo qareenada matalaya Saad Al-Jabri aysan heli lahayn waqti ay ku diyaariyaan. Tallaabo sharci ah.

Hase yeeshee maadaama hadda laga war helay kulanka Bin Salman ayaa ka cabsaday in loo soo diyaar garoobay ayna suurta-gal tahay inuu wajaho kiis maxkamadeed, oo uu awoodi waayo inuu kasoo baxo Mareykanka.

Trump iyo Kushner ayaa si aad ah u doonayey booqashadan inay dhacdo, waxaana markii ay fashilantay ay si deg deg ah Bariga Dhexe ugu direen xoghayaha arrimaha dibedda Mike Pompeo si uu taageero ugu raadiyo xiriirka Israel iyo Imaaraadka.