Kheyre oo soo saaray dalab la xiriira doorashada kadib tallaabadii ay qaadeen BF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Raโ€™iiusul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo dhoweeyey goโ€™aankii ay maanta xildhibaanada labada Aqal ku ansixiyeen heshiiska doorashada, wuxuuna soo jeediyey dalab la xiriira doorashada dalka ka dhaceysa.

Kheyre oo qoraal kooban soo dhigay labadiisa cinwaan ee facebook iyo twitter ayaa yiri โ€œWaxaan bogaadinayaa goโ€™aanka ay labada gole ee baarlamaanku wadajirka ugu ansixiyeen heshiiska doorashada.โ€

Waxa uu intaas ku daray โ€œTallaabadaas ayaa dalka u jiheyneysa dariiqii doorashada. Waxaan ku baaqayaa in nidaamka Doorashadu uu noqdo mid loo dhanyahay, daah furan oo u qabsoonta si xor iyo xalaal ah.โ€

Doorashada ayaa waxaa si wada-jir ah u maamuli doono guddi doorasho oo cusub oo uu soo dhisayo madaxweyne Farmaajo, kaasi oo la shaqeynaya guddi doorasho heer gobol ah oo maamul goboleed kasta uu soo dhisi doono.

Kheyre ayaa dhowaan shaaca ka qaaday inuu yahay musharax madaxweyne, waxaana la filayaa in dhowaan uu billowdo loolanka doorashada oo ku billaabmaya xildhibaanada oo musharaxiinta madaxweynaha ay isku dayi doonaan inay kaalin ku yeeshaan, si ay u helaan in wakiilo taageersan oo codka siiya ay fariistaan baarlamanka.

Sida ku qoran heshiiska ay gaareen madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada, qorshaha doorashada ayaa billaabmaya 1-da November, balse heshiiska laguma sheegin waqti xadidan oo ay tahay in xildhibaanada lagu soo xulo.

- Advertisement -

Read more

Local News