Axmed Madoobe oo hal mid soo jeediyey kadib go’aankii ay garaeen baarlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyay Ansixinta heshiiska Doorashooyinka ee labada Aqal ee Baarlamaanka ay maanta meel mariyeen.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay inay tani dhabaha u xaarayso in lasii dardar galiyo shaqooyinka dhiman, iyadoo laga faa’iidaysanayo waayo aragnimada uu dalkeenu u leeyahay qabashada doorashooyinka heer Federaal afartii sanaba hal mar.

“Waxaan rumays nahay in ay maanta labada aqal ee Baarlamaanku gaareen go’aan tariikhi ah oo fursad inoo siinaya in aan sii amba qaadno waxyaabaha dhiman si doorashadu ay ugu dhacdo jawi nabdoon oo lagu qanacsan yahay taas oo ah arin soo socotay sanadahii lasoo dhaafay ee dib u dhiska Dowladnimadeena,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale soo jeediyey wada shaqayn buuxda iyo dadaal hagar la’aan ah oo dhamaan dhinacyadu ay u dhan yihiin si loo wajaho mustaqbalka iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Doorashada ayaa waxaa wada maamuli doono guddi ka kala socda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxaana muhiim ah inay wada shaqeeyaan, si guul loo gaaro, xilli laga cabsi qabo in loolanka labada dhinac uu saameeyo.

Waxa uu ugu dambeyn u mahad celiyay Xildhibaanada Baarlamaanka labada Aqal ee JFS go’aanka Tariikhiga ah ee ay maanta gaareen,  taas oo muujinaysa, buu yiri, sida ay uga go’an tahay in laga dhabeeyo rajada shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan sidii dalka ay uga dhici lahayd Doorasho heshiis lagu yahay.