Ciidamada Danab ‘oo soo bad-baadiyey 40 caruur ah oo ay qafaasheen’ Shabaab

Bariire (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in hawlgal ay ka sameeyeen gobolka Shabeellada Hoose ay ku toogteen dhawr xubnood oo ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab, sidoo kalana kasoo badbaadiyay caruur fara badan.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska ciidanka xoogga, ururka 143-aad ee guutada 14-ka October ayaa hawlgal ka sameeyay tuulooyin hoos taga deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in 16 ka tirsan xubnaha Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida la qaarijiyay, sidoo kalana laga soo badbaadiyay 40 caruur ah oo sida la sheegay ay kasoo qafaasheen gobolada dalka.

Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo ah taliyaha ururka 143-aad ee guutada 14-ka October ayaa sheegay iney gacanta ku hayaan caruurtii ay soo badbaadiyeen, kuwaas oo loo diyaariyay iney qaraxyo iyo weeraro ka geystaan gudaha Soomaaliya.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa kordhiyay hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay ka sameynayaan koonfurta Soomaaliya, waxeyna dhawr jeer soo badbaadiyeen caruur loogu talgalay in la askareeyo.