Jubaland oo magacowday guddi uu hoggaaminayo wasiir Cabdirashiid Janan

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa maanta magacaabay guddi baaritaan ku sameeya dhacdadii 23-kii bishan ka dhacday duleedka Ceelwaaq oo ciidamo ka tirsan Kenya ay ku dileen dad rayid ah.

Guddigan ayaa waxaa magacaabay madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee dawlad goboleedka Jubaland Maxamuud Sayid Aaden, oo maanta shir gudoomiyay shirka billaha ah ee Jubaland ee looga hadlo amniga deegaanada Jubaland, kaasi oo ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Guddiga ayaa ka kooban shan xubnood, waxaana guddoomiye looga dhigay Wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.

Waxaa sidoo kale guddiggaan la faray in ay si deg deg ah baaritaano ugu saameyaan dhacdooyinka Ciidanka Kenya ay ka wadaan Soomaaliya gaar ahaan gobolka Gedo.

Ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa dhowaan dil iyo dhaawac u gaystay dad shacab ah oo ku sugnaa deegaanka Yeedow oo hoos yimaada degmada Ceelwaaq.

Ciidamada Kenya ayaa lagu soo warramayaa in howl-gal ay ka sameeyeen gudaha deegaankaasi, islamarkaana ay ku beegsadeen dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 2 kale oo dhammaan ahaa dhalinyaro ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in meydka marxuumka ay dileen ciidamada Kenya iyo dhaawaca labada qof ee kale in ay horey u sii qaateen, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.